Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa kuma horjoogaha Khawaarijtu ka argagaxday dilkiisa ee lagu khaarijiyay Welmarow

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay Horjooge iyo maleeshiyaad katirsanaa Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa halkoodii ka sii soconaya howlgallada lagu ugaarsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaad  khawaarijta Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gobollada Jubbooyinka.
Markan, waa howlgal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Welmarow oo qiyaastii 50-km dhinaca Bari Bari beegan degmada Afmadow ee gobolla Jubbada hoose.

Howlgalkan, waxaa lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray ” Cabdiraxmaan Raambow” kaas oo ka soo jeeda  degmada Xagar ee gobolka Jubbada Dhexe,waxaanna la sheegay inuu ahaa dhagar qabe aan jixin-jixin dhibaato badanna ku hayay dadka ku nool Jubbada hoose.

Related posts

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026

Horjoogahan la dilay ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa in lacagaha iyo xoolaha uu uga soo dhaco Khawaarijta dadka deegaansanaya Tuulooyinka iyo dhulka Miyiga ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan lagu soo afjaray dhibaatada uu shacabka Soomaaliyeed ku hayay horjoogahani inta uu socday waxaa lagu qabtay xubo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab, sidoo kale, ciidamada iskaashanayay ayaa qabtay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuwaas oo dhammaantood la geeyay degnada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ku dhuumaleysanaya gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo isku dayaya in ay ka baxsadaan gacanta Dowladda, balse ciidanada xoogga Dalka ayaa wacad ku maray in ay soo afjaraan cid kasta oo fikirka xagjirka ah ku faafineysa Soomaaliya

Previous Post

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumaineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

Next Post

Guddoonka labada Aqal oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa

Next Post
Guddoonka labada Aqal oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa

Guddoonka labada Aqal oo kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

February 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In