Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa Kuma Mukhtaar Roobow.?

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Roobow: Waan ka baxay Al-Shabaab, dowladda ayaana marti u ahayโ€ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mukhtaar Roobow Cali oo ku magac dheer Abuu Mansuur, waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Alshabaab ee aadka loo yaqaan.

Markii ugu horreysay ee dadku aad u barteen waxa ay ahayd markii ay maxaakimtii Islaamiga ahaa qabsadeen Muqdisho iyo inta badan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Abuu Mansuur waxa uu xilligaas noqday ku xigeenka xog-hayaha difaaca ee Midowgii Maxaakimta.ย  Waxa uu ka mid ahaa wafdigii maxaakimta ee tagay Khartoum si ay uga qeyb qaataan wada hadalladii dhex maray dowladdii madaxweyne cabdullaah Yuusuf iyo Midowgii Maxaakimta.

Markii maxaakimtii laga saaray Muqdisho Roobow waxa uu tagay Asmara, Eritirea. Ismaan dhaaf kala dhexeeyay hoggaankii maxaakimta ayaa ku riixay in uu ku biiro Alshabaab oo magacooda si rasmi ah u shaaciyay bartamihii 2007.

Roobow waxa uu noqday Afhayeenka Alshabaab xilkaas oo uu hayay ilaa ย bartamihii 2009-kii. Markii laga wareejiyay Afhayeennimada Alshabaab, Abuu Mansuur waxaa la sheegaa in uu noqday ku xigeenkii Axmed Godane, jagadaas oo aan si rasmi ah loo shaacin.

Bishii June 2012 dowladda Mareykanka ayaa madaxa Mukhtaarย  Roobow dul dhigtay 5 Milyan oo Doollar.

2013-kii markaas oo uu aad dibadda ugu soo baxay khilaafka u dhexeeya hoggaanka Alshabaab, Mukhtaar Roobow waxa uu ku jiray horjoogeyaal sar sare oo kooxda ka tirsan si xooggan ย uga hor yimid qaabkii uu kooxda u hoggaaminayay Axmed Godane.

Khilaafkaasi waxa uu sababay in Godane uu ka takhaluso qaar ka mid ah raggii ugu sarreeyay kooxda sida Ibraahim Afgaan, Cabdixamiid Colhaye, Abuu Mansuur Alamriiki oo isagu Amerikaan ahaa iyo saraakiil kale Soomaali iyo Ajnabi isugu jiray.

Mukhtaar Roobow waxa uu xilligaas goostay in uu keynta galo, isagoo wata dagaalyahanno isaga u daacad ah, halkaas oo uu difaac uga jiray muddo dhowr sano ah.

Bishii June ee sanadkan ayay dowladda Mareykankuย  Mukhtaar Roobow ka saartay liiska dadka lacagta la dul dhigay.

Maalmo ka hor ayay Ashabaab weerareen saldhiggii Roobow ku lahaa gobolka Bakool.

Horraantii toddobaadkan ayaaย  Mukhtaar Roobow la keenay Muqdisho,isagoo laga soo duuliyay Xudur, Bakool.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka August,2017, ayuu Roobow Shacabka Soomaaliyeed la wadaagay inuu Alshabaab isaga baxay 5 sano iyo toddobo bilood ka hor, waxa uuna dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyay doorkii ay ku lahayd halka ay hadda wax marayaan.

W/Q Liibaan Cabdi Cali

Previous Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal kula jirta Mukhtar Robow

Next Post

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay arinta Mukhtaar Roobow

Next Post
Dowladda Mareykanka oo ka hadashay arinta Mukhtaar Roobow

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay arinta Mukhtaar Roobow

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฆm๐ž๐ฒ๐ฌ๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐š๐ง๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐ฎ๐ซ๐ข๐œ๐ž๐ž๐ฅ

October 5, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In