Xildhibaan Muxsin Cabdulaahi Xaaji Cabdi oo kamid ah barakacayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayaa kamid noqday golaha degaanka cusub ee degmada Qardho ee ay bulshada qardho ku soo doorteen codkooda.
Muxsin ayaa ka tartamayay urur siyaasadeedka KAAH oo ah urur ay u badan yihiin golayaasha Dowladda iyo siyaasiyiin kala duwan guddoomiyana uu ka yahay Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulhi Dani .
Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay bulshada rayidka ah ee ku nool Puntland helaan matalaad soona galaan xildhibaaanada Golaha deegaanka iyagoo qayb ka ahaa bulshadi codkooda dhiibanayay.