Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Waa maxay Metaverse? Adeegga ay shirkadda Facebook ku bixineyso balaayiinta dollar

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Maqaallo
0
Waa maxay Metaverse? Adeegga ay shirkadda Facebook ku bixineyso balaayiinta dollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkadda Facebook waxay ku dhawaaqday inay dhisayso metaverse, oo ay ka shaqayn doonaan dhisideeda 10,000 (toban kun) oo Injineer. lacago bilyanno ah baa ku bixi doonaa mashruucan sida ay sheegeen. Haddaba waxa la isweydiinayaa muxuu yahay qaabka dunida internetku u guuri doonto gaar ahaan FB ee Metaverse?

Si kooban, Metaverse waa laba eray oo macne ahaan u dhigma Caalam casri ah ama kawnka casriga ah ee khiyaalka. Hadda waxaynu ku wada-xidhiidhnaa internet inaga oo adeegsana Shabakadaha sida baraha bulshada ama apps-ka lagu wada sheekaysto. Metaverse sidaa wuu ka duwannaan doonaa. Waxa uu dhisi doonaa duni khiyaal ah oo qofku toos u dhextegi doono, La kulmi doono saaxiibadii iyo dadka ay shaqo wadaag yihiin. Xafiiska uu doono ee ka dhexjira dunidaas hawl ka soo qabsan karo, isla markaana uu ka dhex tukaamaysan karo dunida metaverse.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Metaverse qofkasta waxa uu yeelan doonaa muuqaal (avatar) isaga u eeg oo ku dhexmatala dunidaas. Haddii immika aad muraayadda ka daawato muuqalladda baraha bulshada la dhexkeeno Metaverse waxa uu ku dhexgeyn doonaa dhacdada aad daawanayso adoo dareemaya inaad barbar taagan tahay ayaad daawan doontaa. Suuqa aad doonto ayaad dhextegi doontaa oo shelefyada Meheradda alaabta taalla mid mid u qaadi doonta si tan ku cajabisa aad u gadato. Jaamacadda ayaad fasalka toos u dhexfadhiisan doontaa. Ama se bandhigeed faneed uu joogo fannaan aad xiisayso ayaad toos uga qaybgeli doontaa

Qalabka la adeegsan doonaa waa Mobillada casriga ah (smart phones) oo ay caawinayaan muraayaddaha indhaha ee qaabka 3D sameeya iyo qalabka dhegaha ( VR headsets) oo dhammaantood ay shirkadda Metaverse soo saari doonto. Waxa la saadaalinayaa in mustaqbalka internet-ku dhammaantii qaabkaas u shaqayn doono.

Metaverse ma aha Game madadaalo sidaas ha u fahmin. Waa hab casri ah oo ganacsiga, waxbarashada, isku furnaanta dunida, baahinta aqoonta iyo dawladnimada ba faa’iido u leh. Waloow faa’iido darrana uu yeelan doono.

Maalgelinta iyo hirgelinta mashruucan waxa hogaamin doonaa shirkadda magaca laga beddelay ee Meta (ex- Facebook inc) waxaana qayb ka noqon doona badi shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda. 10 ilaa 15ka sanno ee soo socda ayaa toos Metaverse u hirgeli doona sida ay qorshaynayaan.

 

Xigasho

Previous Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Hey’adda horumarinta halbeegyada iyo jaangoynta waddamada islaamka

Next Post

Hoggaamiye ka tirsan kooxda Daalibaan oo lagu  dilay Qarax ismiidaamin ah

Next Post
Hoggaamiye ka tirsan kooxda Daalibaan oo lagu  dilay Qarax ismiidaamin ah

Hoggaamiye ka tirsan kooxda Daalibaan oo lagu  dilay Qarax ismiidaamin ah

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In