Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Waa maxay Metaverse? Adeegga ay shirkadda Facebook ku bixineyso balaayiinta dollar

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Maqaallo
0
Waa maxay Metaverse? Adeegga ay shirkadda Facebook ku bixineyso balaayiinta dollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkadda Facebook waxay ku dhawaaqday inay dhisayso metaverse, oo ay ka shaqayn doonaan dhisideeda 10,000 (toban kun) oo Injineer. lacago bilyanno ah baa ku bixi doonaa mashruucan sida ay sheegeen. Haddaba waxa la isweydiinayaa muxuu yahay qaabka dunida internetku u guuri doonto gaar ahaan FB ee Metaverse?

Si kooban, Metaverse waa laba eray oo macne ahaan u dhigma Caalam casri ah ama kawnka casriga ah ee khiyaalka. Hadda waxaynu ku wada-xidhiidhnaa internet inaga oo adeegsana Shabakadaha sida baraha bulshada ama apps-ka lagu wada sheekaysto. Metaverse sidaa wuu ka duwannaan doonaa. Waxa uu dhisi doonaa duni khiyaal ah oo qofku toos u dhextegi doono, La kulmi doono saaxiibadii iyo dadka ay shaqo wadaag yihiin. Xafiiska uu doono ee ka dhexjira dunidaas hawl ka soo qabsan karo, isla markaana uu ka dhex tukaamaysan karo dunida metaverse.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Metaverse qofkasta waxa uu yeelan doonaa muuqaal (avatar) isaga u eeg oo ku dhexmatala dunidaas. Haddii immika aad muraayadda ka daawato muuqalladda baraha bulshada la dhexkeeno Metaverse waxa uu ku dhexgeyn doonaa dhacdada aad daawanayso adoo dareemaya inaad barbar taagan tahay ayaad daawan doontaa. Suuqa aad doonto ayaad dhextegi doontaa oo shelefyada Meheradda alaabta taalla mid mid u qaadi doonta si tan ku cajabisa aad u gadato. Jaamacadda ayaad fasalka toos u dhexfadhiisan doontaa. Ama se bandhigeed faneed uu joogo fannaan aad xiisayso ayaad toos uga qaybgeli doontaa

Qalabka la adeegsan doonaa waa Mobillada casriga ah (smart phones) oo ay caawinayaan muraayaddaha indhaha ee qaabka 3D sameeya iyo qalabka dhegaha ( VR headsets) oo dhammaantood ay shirkadda Metaverse soo saari doonto. Waxa la saadaalinayaa in mustaqbalka internet-ku dhammaantii qaabkaas u shaqayn doono.

Metaverse ma aha Game madadaalo sidaas ha u fahmin. Waa hab casri ah oo ganacsiga, waxbarashada, isku furnaanta dunida, baahinta aqoonta iyo dawladnimada ba faa’iido u leh. Waloow faa’iido darrana uu yeelan doono.

Maalgelinta iyo hirgelinta mashruucan waxa hogaamin doonaa shirkadda magaca laga beddelay ee Meta (ex- Facebook inc) waxaana qayb ka noqon doona badi shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda. 10 ilaa 15ka sanno ee soo socda ayaa toos Metaverse u hirgeli doona sida ay qorshaynayaan.

 

Xigasho

Previous Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Hey’adda horumarinta halbeegyada iyo jaangoynta waddamada islaamka

Next Post

Hoggaamiye ka tirsan kooxda Daalibaan oo lagu  dilay Qarax ismiidaamin ah

Next Post
Hoggaamiye ka tirsan kooxda Daalibaan oo lagu  dilay Qarax ismiidaamin ah

Hoggaamiye ka tirsan kooxda Daalibaan oo lagu  dilay Qarax ismiidaamin ah

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In