Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waa na wada deeqaaye Nabad ha lagu wada joogo

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Waa na wada deeqaaye Nabad ha lagu wada joogo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ku yaalaa koonfurta dalka Soomaaliya waxaana magaalo madax u ah Magaalada Marka, dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsanyahay beeraha, xoola iyo Kaluumeysiga. Gobolkaan waxa uu xaduud la leeyahay gobollada kala ah Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Bay, Jubadda Dhexe iyo Badweynta Hindiya. Waxaana mara Wabiga Shabeelle.

Shabeellaha Hoose wuxuu gobol ahaa waagii hore 1884 kadib talyaniga ayaa Ex-banaadir ku daray, run ahaantii Gobolku wuxuu ka mid yahay gobollada ugu quruxda badan dalka
Soomaaliya, sababtoo ah wuxuu leeyahay deegaaanno aad u ballaaaran oo doog ah, sidoo kale waxaa ku yaalo beeraha waawayn ee loo yaqaano aseendooyinka, kuwaasoo inta badan dacalka ku haaya webiga shabelle oo dhex mara gobolka, deegaannada ayaa ah kuwo aad usoo jiita dadka dalxiisayaasha ah. deegaannada dalxiiska ku wacan waxaan ka xusi karnaa Beeraha Afgooye taasoo isku xirta caasimada iyo xarunta gobolka ee Marka. Sidoo kale waxaa lagu yaqaan kaluumeysiga oo aay dadka aad uga helaan. wuxuu leeyahy dhul aad u qurux badan iyo xeebo indhahaaga soo jiidanaayo.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026

Dhinaca Waxsoosaarka Gobolka shabeellaha hoose waa gobolka ugu horreeya dalka Soomaaliya ee dhanka wax soo saarka beeraha. Gobolkani waxa uu Rabbi ku manaystay khayraad fara badan oo isugu jira bad iyo berriba, waxaana ku yaalo beeraha ugu badan dalka, kuwaasoo laga soo saaro dalagyo kala duwan ee laga isicmaalo inta badan wadankeenna.

Gobolka waxa uu caan ku yahay beeraha Khudaarta, Khudaarta ayaa ah miro u baahan biyo joogto ah oo lagu waraabiyo sidaasi daraadeed ayaa ILAAH waxa uu gobolkani ugu deeqay wabi biyihiisu qul qulaaan bilaha sanadka oo dhan, taasna waxay sahashay in la abuurto beerahaas waqti kasto. Khudaarta iyo noocyada kale ee fawaakihda ee gobolka kasoo baxdo, waxaana ka xusi karnaa, yaanyada, basasha, barbarooniga, kabsar caleen, basbaaska, bocorka, iyo waxyaabaha kale ee la midka ah. sidoo kale dhanka fawaakihda ama Khudaarta aan la karin ayuu gobolku caan ku yahay, sida Cambaha, Muuska,Isbaandheyska, Canabka. Babaayga, iyo Qaraha. waxaana xusid mudan in dalka dhaqaale xoog badan kasoo galo dhoofinta Moooska oo gobolkan kaliya laga soo saaaro intiisa badan. sidoo kale waxsoo saarka gobolkan waxaa ka mida, kheyraadka badda oo ah mid ka mida ilaha dhaqaale ee gobolkani caanka ku yahay. waxaa uu gobolkani leeyahay xeeb dheer oo kalummeysatadu ka jalaabtaaan.

Haddaba sanooyinkaan dambe waxaa Gobolkaasi colaad daba dheeraatay ku dhexmaraysay Beelaha wada daga Deegaankaasi, waxaase la dhexdhigay dibu heshiisiin, taasoo lagu dhameynayay colaadahaasi sababay in nafo badan lagu waayo, islmarkaana ay ku burburto hanti aad u fara badan, waxaana munaasabadii lagu soo bandhigayay heshiis ay wada gaareen beelihii isku haya colaadda, ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku nool magaalada Marka iyo Guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose in ay adkeeyaan Heshiiska laga gaaray colaadii mudada badan soo jiidameysay ee ka taagneyd magaalada Marka una dhaxeysay Labo beel oo walaalo ah oo wada dega Gobolkaasi.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa si gaar ah ula dardaarmay Odayaasha,Culimada iyo Waxgaradka magaalada Marka inayy dhowraan heshiiska una dhaqaaqaan sida ugu haboon ee loo dhaqan gelin karo loona yeero dadkii colaadaha ku barakacay si ay nabad iyo nolol ugu noolaadaan, isagoo ka hadlayay Kheyraadka uu ku fadhiyo Gobolka Shabeellaha hoose iyo sida aan looga faa’ideysan ayuu Yiri” Soomaaliyey Gobolka Shabeellaha hoose inagu waxaan nahay qiyaas ahaan 12-Milyan meelahaasi, waa Gobolka dhammaanteen aan degi karno ee ina raashimin karo (Ina quudin karo),waa Gobol inta uu ina quudiyo waliba Aduunka wax uga diri karno,maan garan dadka hadda degan ee tiradooda yar tahay waxay isku heystaan,Soomaali oo dhan ayaa degi karta oo ku filan.”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Yiri” Magaalada Marka Taariikhdeeda haddaan gadaal u raaco 1947-dii oo waqtigii gumeysiga uu joogay waxay lahayd shan Warshadood oo soo saara wixii ka baxa deegaanka yacni Gobolka gaar ahaan degmada Marka wixii ka baxa ayaa lagu farsameyn jiray loona dhoofin jiray dibadaha,waan ka xumahay maanta iyo ka horba shantaa Warshadood dhammaantood way baaba’een.”, wuxuuna si gaar ah u sheegay in dhibaatooyinkaasi oo dhan ee Gobolka ka jira ay keeneen talo xumo,isagoona dhanka kale tilmaamay inay muhiim tahay inaan tashano oo si wanaagsan u tashano si loo helo nabad iyo nolol dadka ay ku wada naaloodaan.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa hadalkaan ka jeediyay shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose oo uu kaga qeyb galay magaalada Muqdisho,waxaana shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan,Xildhibaanada iyo Odayaasa dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxayna Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose kuna sugnaa shirka dib u heshiisinta ay balan qaadeen inay adkeynayaan Heshiiska,islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa loogana faa’ideysan lahaa Kheyraadka uu Illaahey ku maneystay Gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii dib u heshiisiin loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee saameynta ku yeeshay dagaaladii soo maray dalka, sidaasi awgeed Gobolka Shabeelada Hoose waa na wada deeqaaye nabad ha lagu wada joogo.

W.Q.C/laahi Ruush

Previous Post

Mareynkanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab iyo Bucad badeeda

Next Post

Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa Mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaaliya,”

Next Post
Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa Mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaaliya,”

Wasiir Maareeye” Wasaaradda Warfaafinta Waa Mashiinka soo celinta Dowladnimada Soomaaliya,”

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚  𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo  𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 oo 𝟓𝟎 𝐁𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝 𝐨𝐨 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐡 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐥𝐪𝐚𝐥𝐨𝐨𝐜𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐊𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐁𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚’𝐚𝐚n

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, kuna guda jira maalintii...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay James Swan

March 4, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In