Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Xulashada

Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Xulashada
0
Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Ardogan, wuxuu  ku dhashay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Istanbuul , 26-Febrayo .Sanadkii 1954tii, waa siyaasi Turki ah, Islaamnimadaba aad ugu wayn, wuxuuna Madaxweynaha Turkiga noqday Doorashadii bishii Agoosto 2014kii.

Waana siyaasi dalkiisa iyo dibadiisa sumcad weyn ku leh, gaar ahaan marka laga hadlayo qadiyadaha islaamka Caraabta iyo tan mushkiladda falastiin.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Waxa u Sanadkii 1985 noqday Madaxa Xisbiga Al-rufaat, waxaa da’adiisu aheyd 30 sano,waxanaa Xisbigu u shaarxay Xubin Baarlamaan doorashadii 1987-1991-kii, kadib wuxuu isku soo sharaxay Dowladda hoose ee Magaalada Istanbuul sanadkii 1984-kii, wuxuuna ku guulaystay Doorashadaasi, isagoo noqday duqa Magaalada Istanbuul, kadibna wuxuu u ka gaaray Madaxweyne,isagoo dalkiisa ku hogaaminay horumar dhaqaale dhameystiran.

Waa Maadaxweynaha hadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Waxa uu ku biiray xisbigii Khalaas Al-waddani oo uu Guddoominayay Najmu-diin Arbakaan dabayaaqadii todobaatameeyadii, hayeeshee afgembigii millateri ee ka dhacay Turkiga 1980 ayaa meesha ka saaray xisbiyadii siyaasadda, seddex sano kadib oo ay xisbiyada siyaasaddu ku soo laabteen Turkiga ayuu noqday Erdogan xubin aad u firfircoon oo ka mid ah  xisbiga Rafaah isaga oo olole weyn uga sameeyey xisbigaasi Magaalada Istambuul, doorashooyinkii 1994-kii ayaa xisbigiis Rafaah u sharraxaya in uu Ordagan noqdo Duqa Magaalada Istambuul, si fiican ayuu ugu guuleystay doorashadaasi.

Afar sano kadib 1998 ayuu asaasay xisbiga caddaaladda iyo horumarka, hayeeshee waxa lagu eedeeyey in uu sameeyey kicin, isnacayb iyo kala tag dhalin kara isaga oo adeegsanaya diin, taas oo sababtay in xabsiga la dhigo, islamarkaana laga mamnuuco in uu qabto xil dowladeed, waxa uu xilligaasi ku jiray ololihii doorashooyinka guud ee dalka Turkiga, waxaa lagu qabsaday in uu dhowr beyt oo ka tirsan gabay Turki ah uu ka hor akhriyey dadweyne.

Waxa u Sanadkii 1985 noqday Madaxa Xisbiga Al-rufaat, waxaa da’adiisu aheyd 30 sano,wxanaa Xisbigu u shaarxay Xubin Baarlamaan doorashadii 1987-1991-dii, kadfib wuxuu isku soo sharaxay Dowladda hoose ee magaalada Istanbuul sanadkii 1984-tii, wuxuuna ku guulaystay Doorashadaasi, isagoo noqday duqa magaalada Istanbuul.

Xisbigiisa  horumarka iyo Cadaaladda oo uu hadda, hogaamiyo Madaxweyne Ardodogan, wuxuu guulaystay saddex mar,Taasoo u horseeday inuu Rajab Tayyip Ardogan. noqdo Madaxweynaha Turkiga oo si aqlabiyad leh shacabkiisa ay u doorteen.

Xagga Waxbarashada, waxa uu ka baxay Kulliyadda  dhaqaalahha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda  Marmar ee Turkiga, wuxuuna xilka raisulwasaarenimada Turkiga qabtay sanadkii 2003-kii, isaga oo hayey illaa sanadkan 2014, Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa magaalada Darabzoon, waxa uu ku soo barbaaray saboolnimo, billowgii ku soo biiriddiisa siyaasadda ayuu u sheegay warbaahinta in uu iibin jiray khudaarta gaar ahaan Batiikh iyo sisin, taasi oo uu sheegay in ay ka dabooli jirtay kharashka tacliinta ee dugsiyadiisii hoose dhexe, waxa uu dhigtay dugsiga Immaan khaddiib oo ahaa Iskuul diini ah oo lagu barto culuumta Islaamka, kadibna waxa uu galay kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Marmara.

Waxa uu iska difaacay dhammaan eedihii loo soo jeediyey isaga oo xiriirkii aragtiyeed ee kala dhexeeyey saaxibadiisa siyaasadda ee u janjeeray dhanka Islaamka isku dayey in uu u difaaco hab aan siyaasadda kalasaaridda diinta iyo siyaasadda ama cilmaaniyadda aan si toos ah uga hor immaaneyn.

Taageerayaasha cilmaaniyadda ayaa u adeegsaday warbaahinta iyaga oo ku dhalliilay in uu hirgelinaya aragtida dhisidda jamhuuriyad Muslim ah oo la yiraahdo Turki, taas oo ku soo jeedisay indho badan oo siyaasaddaas aan la dhacsanayn.

Mucaaradkii ka horjeeday ayaa ka sameeyey dacaayad ahayd in uu doonayo in uu u dhaqmo sida Falaadamiir Buutinka Raashiya, Selfiyo berleskooniga Itaaliya oo marna noqda madaxweyne marna Raisalwasaare.

Ugu dambeystii,15-bishan Julay, waxa uu fashilayay isku day inqalaab ay ku kaceen koox falaag ah oo ka tirsan Ciidamada Turkiga oo u adeegayayay quwado dibadda ah, waxaan afgenbigaasi si wada jir ah uga hortagay, shacbka Turkiga iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Rajab Tayyip Ardogan

441

W.D:-Mukhtaar

Previous Post

Xarumo maleeshiyada Al-Shabaab lahaayeen oo la bur buriyay

Next Post

R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

Next Post
R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In