Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Xulashada

Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Xulashada
0
Waa nin ceykee ah:- Rajab Tayyip Ardogan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Ardogan, wuxuu  ku dhashay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Istanbuul , 26-Febrayo .Sanadkii 1954tii, waa siyaasi Turki ah, Islaamnimadaba aad ugu wayn, wuxuuna Madaxweynaha Turkiga noqday Doorashadii bishii Agoosto 2014kii.

Waana siyaasi dalkiisa iyo dibadiisa sumcad weyn ku leh, gaar ahaan marka laga hadlayo qadiyadaha islaamka Caraabta iyo tan mushkiladda falastiin.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

January 14, 2024

Waxa u Sanadkii 1985 noqday Madaxa Xisbiga Al-rufaat, waxaa da’adiisu aheyd 30 sano,waxanaa Xisbigu u shaarxay Xubin Baarlamaan doorashadii 1987-1991-kii, kadib wuxuu isku soo sharaxay Dowladda hoose ee Magaalada Istanbuul sanadkii 1984-kii, wuxuuna ku guulaystay Doorashadaasi, isagoo noqday duqa Magaalada Istanbuul, kadibna wuxuu u ka gaaray Madaxweyne,isagoo dalkiisa ku hogaaminay horumar dhaqaale dhameystiran.

Waa Maadaxweynaha hadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, Waxa uu ku biiray xisbigii Khalaas Al-waddani oo uu Guddoominayay Najmu-diin Arbakaan dabayaaqadii todobaatameeyadii, hayeeshee afgembigii millateri ee ka dhacay Turkiga 1980 ayaa meesha ka saaray xisbiyadii siyaasadda, seddex sano kadib oo ay xisbiyada siyaasaddu ku soo laabteen Turkiga ayuu noqday Erdogan xubin aad u firfircoon oo ka mid ah  xisbiga Rafaah isaga oo olole weyn uga sameeyey xisbigaasi Magaalada Istambuul, doorashooyinkii 1994-kii ayaa xisbigiis Rafaah u sharraxaya in uu Ordagan noqdo Duqa Magaalada Istambuul, si fiican ayuu ugu guuleystay doorashadaasi.

Afar sano kadib 1998 ayuu asaasay xisbiga caddaaladda iyo horumarka, hayeeshee waxa lagu eedeeyey in uu sameeyey kicin, isnacayb iyo kala tag dhalin kara isaga oo adeegsanaya diin, taas oo sababtay in xabsiga la dhigo, islamarkaana laga mamnuuco in uu qabto xil dowladeed, waxa uu xilligaasi ku jiray ololihii doorashooyinka guud ee dalka Turkiga, waxaa lagu qabsaday in uu dhowr beyt oo ka tirsan gabay Turki ah uu ka hor akhriyey dadweyne.

Waxa u Sanadkii 1985 noqday Madaxa Xisbiga Al-rufaat, waxaa da’adiisu aheyd 30 sano,wxanaa Xisbigu u shaarxay Xubin Baarlamaan doorashadii 1987-1991-dii, kadfib wuxuu isku soo sharaxay Dowladda hoose ee magaalada Istanbuul sanadkii 1984-tii, wuxuuna ku guulaystay Doorashadaasi, isagoo noqday duqa magaalada Istanbuul.

Xisbigiisa  horumarka iyo Cadaaladda oo uu hadda, hogaamiyo Madaxweyne Ardodogan, wuxuu guulaystay saddex mar,Taasoo u horseeday inuu Rajab Tayyip Ardogan. noqdo Madaxweynaha Turkiga oo si aqlabiyad leh shacabkiisa ay u doorteen.

Xagga Waxbarashada, waxa uu ka baxay Kulliyadda  dhaqaalahha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda  Marmar ee Turkiga, wuxuuna xilka raisulwasaarenimada Turkiga qabtay sanadkii 2003-kii, isaga oo hayey illaa sanadkan 2014, Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa magaalada Darabzoon, waxa uu ku soo barbaaray saboolnimo, billowgii ku soo biiriddiisa siyaasadda ayuu u sheegay warbaahinta in uu iibin jiray khudaarta gaar ahaan Batiikh iyo sisin, taasi oo uu sheegay in ay ka dabooli jirtay kharashka tacliinta ee dugsiyadiisii hoose dhexe, waxa uu dhigtay dugsiga Immaan khaddiib oo ahaa Iskuul diini ah oo lagu barto culuumta Islaamka, kadibna waxa uu galay kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Marmara.

Waxa uu iska difaacay dhammaan eedihii loo soo jeediyey isaga oo xiriirkii aragtiyeed ee kala dhexeeyey saaxibadiisa siyaasadda ee u janjeeray dhanka Islaamka isku dayey in uu u difaaco hab aan siyaasadda kalasaaridda diinta iyo siyaasadda ama cilmaaniyadda aan si toos ah uga hor immaaneyn.

Taageerayaasha cilmaaniyadda ayaa u adeegsaday warbaahinta iyaga oo ku dhalliilay in uu hirgelinaya aragtida dhisidda jamhuuriyad Muslim ah oo la yiraahdo Turki, taas oo ku soo jeedisay indho badan oo siyaasaddaas aan la dhacsanayn.

Mucaaradkii ka horjeeday ayaa ka sameeyey dacaayad ahayd in uu doonayo in uu u dhaqmo sida Falaadamiir Buutinka Raashiya, Selfiyo berleskooniga Itaaliya oo marna noqda madaxweyne marna Raisalwasaare.

Ugu dambeystii,15-bishan Julay, waxa uu fashilayay isku day inqalaab ay ku kaceen koox falaag ah oo ka tirsan Ciidamada Turkiga oo u adeegayayay quwado dibadda ah, waxaan afgenbigaasi si wada jir ah uga hortagay, shacbka Turkiga iyo Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Rajab Tayyip Ardogan

441

W.D:-Mukhtaar

Previous Post

Xarumo maleeshiyada Al-Shabaab lahaayeen oo la bur buriyay

Next Post

R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

Next Post
R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

R/wasaaraha oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Kumandooska XDS

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In