Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay dhammaan Xaafadaha Baladweyne+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Wabiga Shabeelle ayaa hadda si buuxda ugu fatahay xaafadaha magaalada beledweyne ee gobolka Hiiraan halkaas oo wariyaasheenu soo warinayaan in isku socodkii uu joogsaday oo biyuhu si xooggan u dhex marayaan magaalada.
Dadku badankood waa ka baxeen magaalada waxaase jira dad wali ku go’doonsan .
Maalmihii la soo dhaafay waxaa jirtay cabsi laga qabo fatahaadda maadaama roobab xoogani da’ayeen

Hadaba qaar ka mid dadka ku nool Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saakay ka barakacaya ka dib Fatahaada wabiga Shabeele uu ka wado gudaha Magaalada waxaana sii kordhaya biyo baxa uu sameeynayo

Xaafadaha Magaalada iyo inta badan wadooyinka ayaa saakay waxaa buux dhaafiyay biyo farabadan iyadoo wali ay socdaan dadaalo lagu xakeynayo biyaha  waxaana sii kordhaya Cabsi laga qabo inay dhacaan  fatahaaddo  qasaaro  geysta.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Maamulka gobolka Hiiraan ,kan degmada Baladweyne ,ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo iskaashayo ayaa wado howlo caro tuur loogu sameeynayo goobaha uu Fatahaada kawada Wabiga ee Duleedka Magaalada .

Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa ilaa iyo xalay howlaha biyaha lagu  xerayo ka waday duleedka Magaalada iyo goobaha laga qabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana uu maamulka uu shacabka ku booriyay in la xoojiyo iskaashiga si looga hortago fatahaadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda wada dadaalo garab xooggan lagu siinayo bulshada heer Hiiraan si layskaga kaashado xeritaanka goobaha uu wabiga shabeele fatahaada uu kawado waxaana ay geystay agab loogu hortago fatahaaada.

S/Q Ibraahim Muxumed Geedi

 

 

 

Previous Post

Dhallinyaro ku baaqay in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Shabeellaha dhexe+Sawirro

Next Post

Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka

Next Post
Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka

Madaxweyne Waare oo kulan hab muuqaal ah la qaatay Xubo ka tirsan Beesha Caalamka

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In