Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadahadalo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan oo maanta ka furmay Vienna

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Wadahadalo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan oo maanta ka furmay Vienna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhinacyadii ka qeyb galay heshiiska Nukliyeerka ee sanadkii 2015 lagu gaaray caasimada Austria una dhaxeeyay Iiraan iyo kooxda (5 + 1) oo kala ah Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska iyo Faransiiska oo lagu daro Jarmalka, ayaa ku kulmi doona Vienna maanta oo Talaado ah.

Ka bixitaankii Washington heshiiskan kadib waxaa looga yeeray kooxdan (4 + 1) waxii ka danbeeyay sanadkii 2018, xiligaas oo Mareykanka xukumaayay Donald Trump,  kaa oo ka Biyo diiday qeyba kamid ah heshiiska.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

laba koox oo khubaro ah ayaa si isku mid ah diiradda u saari doona fududeeynta cunaqabateynta Mareykan  uu saaray Iiraan ah oo dhinac ah, iyo waxii ka suura galay ballanqaadyadii Nukliyeerka ee Iiraan oo dhinac kale ah, sida lagu sheegay war ay baahisay Wakaaladda wararka ee AFP, oo u soo xigatay saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Xaaladda wada hadalada oo u muuqda kuwa isbadal ayaa hiigsanaya in Washington iyo Dahraan, ay ku noqdaan ballanqaadyadoodii hore si loo helo miro dhalka kulanka, inkasta oo ay dhici karto in wax laga badallo  go’aandii hore.

Sida lagu sheegay warbixin uu qoray Wargeeyska Wall Street Journal maamulka cusub ee Mareykanka ayaa  sheegay in uu diyaar u yahay  dib u soo nooleeynta heshiiskii 2015, si uu u noqda bar bilow.  wallaw  markii hore Madaxweyne Joe Biden uu shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay in Iiraan xayiraad dheeri ah la saaro.

Robert Einhorn, oo ah Sargaal sare oo hore uga tirsanaan Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka, ayaa yiri: “Mareykanka iyo Iiraan shaki badan ayaay kala muujinayaan, sidaa darteed waxay ku laaban doonaan heshiiskii hore, in kastoo labada dalba ay taageersan yihiin soo nooleynta heshiiskan”.

Guud ahaan wadahadalada oo aanan si sax ah loo xusin yoolka ay ka leeyahiin labada dhinac, ayaa maanta ka furmaya Vienna, iyada oo ay ka qeyb galayaan dalal dhawr ah.

Previous Post

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo dib u dhacay

Next Post

Inka badan 1,800 maxbuus oo ka baxsaday xabsi ku yaala Nigeria

Next Post
Inka badan 1,800 maxbuus oo ka baxsaday xabsi ku yaala Nigeria

Inka badan 1,800 maxbuus oo ka baxsaday xabsi ku yaala Nigeria

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In