Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Wadamada Carabta qaar oo  tageeray bayaan ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga  

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
 Wadamada Carabta qaar oo  tageeray bayaan ka soo baxay  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalalka  Kuweyt, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in ay taageerayaan bayaankii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ee ku saabsanaa warbixinta Mareykanka ee ku aadaneed dilkii  Jamaal Khashoggi.

Falcelinnadan  lagu taageerayo bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa daba socday markii la baahiyay warbixintii Koongareeska  Mareykanka ee la xiriirtay dilka wariyahii u  dhashay Sacuudiga ee Jamal Khashoggi kaasi oo 2018-kii lagu dilay Turkiga.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa ku dhawaaqday in ay taageereyso bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, taasi oo la xiriirta warbixintii  Koongareeska Mareykanka ee ku saabsaneed  dilka Khashoggi.

Kuweyt ayaa xustay  muhiimadda iyo doorka Sacuudi Carabiya, oo ay hoggaaminayaan Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, ay ka cayaareen baaritaanka dilka Wariyaha.

Imaaraadka Carabta  ayaa dhiniciisa taageeray bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku saabsan dilka wariye Khashoggi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaraadka ayaa muujisay kalsoonida iyo taageerada ay u hayaan Hey’adaha  garsoorka Sacuudiga, kuwaas oo xaqiijiyay sida Boqortooyada ay uga go’an tahay  in lala xisaabtamaan dhammaan dadka ku lugta leh kiiskan.

Wakaaladda Wararka Baxreyn  ayaa sheegtay, in Baxreyn ay muujisay taageeradeeda ku aaddan hadalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ee ku saabsanaa warbixintii loo gudbiyay Koongareeska Mareykanka ee ku saabsan dilka Khashoggi.

Baarlamaanka Carabtu ayaa dhankiisa sheegay  in Mareykanka uu  ku xad gudbay  madaxbanaanida Boqortooyada Sacuudiga  iyo madaxbanaanida garsoorkeeda,  waxayna cadeeyeen inay taageersan yahiin bayaanka ay soo saartay Wasaarada Arimaha Dibada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ee la xariirtay  warbixintii loo gudbiyay Koongareeska Mareykanka ee ku saabsaneed  dilka Khashoggi.

Previous Post

Ilhaan Cumar oo soo jeedisay in la cunaqabateeyo dhaxal sugaha Sacuudiga

Next Post

Somalia issues its first mobile money licence to Hormuud Telecom

Next Post
Somalia issues its first mobile money licence to Hormuud Telecom

Somalia issues its first mobile money licence to Hormuud Telecom

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In