Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadamada Jaamacadda Carabta oo isku raacay in ay sameeyaan Ciidan wadajir ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wadamada Jaamacadda Carabta oo isku raacay in ay sameeyaan Ciidan wadajir ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir weynaha 26 aad ee ururka Jaamacadda Carabta oo maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Sharmal sheikh ee dalka Masar ayaa laga soo saaray warmurtiyeed kaas oo qodobadiisu ay kamid tahay in dalalka Jaamacadda Carabta ay yeeshaan Ciidan gaar ah oo wajaha khataraha ka imaanaya dalalka Yeman iyo Liibiya.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabiil Al-Carabi oo warmurtiyeedka shirka laga soo saaray akhriyay ayaa sheegay in shirka lagu taageeray weererka lagu hayo kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman isla markaana loogu baaqay kooxdaasi in ay isga baxaan goobaha ay gacanta ku dhigeen.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Shirkan oo labo maalin ka socday magaalada loo dalxiistago ee Sharmal Sheekh ayaa waxaa ka qeybgalay 12 hogaamiye oo kamid ah 22 wadanka ee ururka Jaamacadda Carabta ku jira inkastoo dalka Syria si KMG ah loogu joojiyay xubinimadeeda, waxaana madaxweynahiyaasha shirkaasi ka joogay kamid ah Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirkaasi.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa la aas aasay 22 ka Maarso sanadkii 1945 waxaana xiligaasi ay ka koobnaayeen 6 wadan oo kala ah Masar, Ciraaq, Lubnaan, Sacuudi Carabiya,Suuriya iyo Urdun (Jordan) waxaana mudo yar ka dib ku soo biiray Yemanta waqooyin.

Xarunta ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku taala magaalada Qaahira ee dalka Masar, u jeedad ururka ayaa aheyd in ay iska kaashadaan arrimaha Dhaqaalaha, Siyaasadda,Dhaqanka iyo danaha dhanka Diinta ah maadaama dhamaan dowladaha ururka ku jira ay yihiin kuwo Muslim ah.

Dhinaca kale xaaladda dalka Yeman oo kamid aheyd ajendiyaasha ugu horeeyay shirkan looga arinsanayay ayaa lagu soo waramayaa in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sheegtay in dhamaan isgaarsiinta iyo difaaca cirka oo ay Xuutiyiinta lahaayeen la burburiyay.

10 wadan oo Sacuudiga uu hogaaminaayo ayaa weeraro xagga cirka ah ku haya falaagada Shiicada ah ee Xuutiyiinta dalka Yeman.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Yeman Riyaad Yaasiin ayaa sheegay in dhowaan dalka ay soo gali doonaan ciidamo ka socoda dalalka taageera dowladda Yeman, isagoo tilmaamay in ciidankaas la keeni doono magaalada Cadan oo hadda xarun u ah dowladda Madaxweyne Cabdu Rabi Mansuur Haadi.

Mr Yaasiin ayaa intaa ku daray in ciidanka ugu horeeya ee dalka Yeman soo gali doona uu ka imaanayo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararka Yeman ka imaanaya ayaa sheegay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa ku sii siqayaan magaalada Cadan ee ku taala Koonfur dalka yeman,waxaana la soo sheegayaa in Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha uu maanta ku soo xirtay Dekadda Cadan kaas oo halkaasi sida la sheegay ka qaaday diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Shiinaha u dhashay oo magaalada Cadan joogay.

Sidoo kale waxaa magaalada Cadan horey looga daadgureeyay dhamaan diblomaasiyiinta ajanabiga ah joogay halkaasi.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo sheegtay in beri ay ku egtahay qabashada araajida gudiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi uu hoggaaminayay oo dib ugu soo laabtay Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha J. F. S. oo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi uu hoggaaminayay oo dib ugu soo laabtay Dalka "SAWIRRO"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In