Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waddama Yurub ka tirsan oo oggolaaday qaabilidda muhaajiriin badda ku go’doonsanaa

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Waddama Yurub ka tirsan oo oggolaaday qaabilidda muhaajiriin badda ku go’doonsanaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo. Ciidamada badda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidi dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

Waxay hay’adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel looga dhacay dartii.

Dadka burcadka ee dadka tahriibiya ayaa weli sii wada howlahooda tahriibinta oo ay sida weyn ugu macaashaan tahriibayaasha qaaradda Afrika ka soo jeeda ee doonaya iney Yurub gaaraan. Dalka Liibiya ayaana waddanka ay dadkaasi marin ahaan u adeegsadaan balse waa dal rabshado iyo qalalaasyo colaadeed ay hareeyeen.

Source BBC

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhismaha Dowladaha Hoose oo ka bilowday Hirshabeele+sawirro

Next Post
Dhismaha Dowladaha Hoose oo ka bilowday Hirshabeele+sawirro

Dhismaha Dowladaha Hoose oo ka bilowday Hirshabeele+sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In