Wafdigaan oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka soctay Wasaaradda Gargaarka maareynta masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo hay’adaha U-ka oo dhowr xafiis ka kala socday, waxa ay booqdeen xarumaha Caafimaadka ee kaamamka ay ku noolyihiin Barakacayaasha iyo Ceelasha magaalada oo biyahooda gabaabsi yihiin.
Inta ay ku gudajireen boogashada dadka ku jira kaamamka waxa ay warbixino ka dhegeysteen qaar ka mid ah Barakacayaasha kaamamka degan oo ka hadlay duruufaha ay ku nool yihiin
kormeerkaan oo ay ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee degmada ka dib wafdiga waxay ay kulan la qaateen Maamulka Degmada Ceelberde, Waxana ka dhegeysteen saamaynta ka dhalatay abaarta, xaalada Barakacayaasha iyo biyo yarida ka jirta Degmada Ceelberde waxana si guud xaalada degmada wafdiga ula wadaagay guddoomiyaha degmada Ceelberde .