Saturday, November 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.

Related posts

Soomaaliya Oo Ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika ee Oslo

Soomaaliya Oo Ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika ee Oslo

November 20, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Oslo kaga qeybgalay kulamo muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Oslo kaga qeybgalay kulamo muhiim ah

November 20, 2026

Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

“Waxa aan idinkaga mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad noogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

“DHAGAYSO” Xaaladda Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo saaka degan

Next Post

Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria “SAWIRRO”

Next Post
Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria “SAWIRRO”

Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida oo lagu soo bandhigay magaalada Pretoria "SAWIRRO"

Soomaaliya Oo Ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika ee Oslo

Soomaaliya Oo Ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika ee Oslo

November 20, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Oslo kaga qeybgalay kulamo muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Oslo kaga qeybgalay kulamo muhiim ah

November 20, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kaga qeyb galay kulamo...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐰𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐭𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐡𝐚𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

November 20, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa si weyn uga dooday, go’aannana kasoo saaray...

Guddoomiyaha SoDMA oo Antalya kula kulmay Marwo Gemma Tanner

Guddoomiyaha SoDMA oo Antalya kula kulmay Marwo Gemma Tanner

November 20, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan kula yeeshay Marwo Gemma Tanner, Ku-xigeenka Madaxa arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In