Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Horudhac U Ah Wufuud Ka Qeyb galeysa Shir Dib U Heshiisiin Ah Oo Beledweyne Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wafdi Horudhac U Ah Wufuud Ka Qeyb galeysa Shir Dib U Heshiisiin Ah Oo Beledweyne Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigani oo isugu jira Xildhibaanno,siyaasiyiin,aqoonyahano,waxgarad,iyo Odayaal dhaqameedyo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo wafdiga uu horudhac uu u yahay wufuud kale duwan oo maalmaha soo socda soo gaari doono magaalada kuwaasi oo ka qeyb gali doono shir dib u heshiisiin ah islamarkaana aayaha gobolka looga hadlayo, waxaana wafdigaasi ee uu hogaaminayay Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.

Shirka oo la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galaya qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka, waxaana diiradda lagu saari doono dib u heshiin dhex marta beelaha wada daga Hiiraan, iyo ka hadalka aayaha gobolka Hiiraan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Odayaasha dhaqanka ee soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan ka qeyb galka shirka, iyagoo sheegay in shirkani uu ku soo aaday xiligii loo baahnaa in ay aayahooda ay ka tashadaan dadka reer Hiiraan, waxaana shirka ay ka rajeeyeen in uu ka soo baxo waxyaaba mira dhal u ah dadka Soomaaliyeed.

Tawane Sabriye oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo qurbo joog ah islamarkaana qeybta ka ah wafdigii maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa muujiyay sida loogu baahanyahay in bulshada gacmaha ay isqabsadaan oo ay ka tashtaan aayahooda.

Prof Axmed Muumin Warfaa oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed marna isku soo sharaxay xilka madaxtinimo ee dalka oo isna qeyb ka ahaa wafdiga ayaa ku booriyay in ay dar dargaliyaan xoojinta midnimada iyo ka shaqeynta horumarinta aayaha gobolka, wuxuuna jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Hiiraan uu ka codsaday in ay taageeraan howlahani kana soo qeyb galaan shirka.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay wafdigani in uu ku soo dhaweeyo Magaalada Beledweyne, isagoo u sheegay in ay yihiin kuwii lahaa talada lagu horumarinayo gobolka loona baahanyahay in si dhab ah looga shaqeeyo arrintaasi oo mudnaan gaar ah u leh dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka wada daga gobolka.

Xildhibaan Abuukaate Daahir Xasan Cabdi ayaa isna sheegay in shirkani uu ku soo aaday xiligii loo baahnaa in ay aayahooda ka tashadaan dadka reer Hiiraan, waxuuna shirka uu ka rajeeyay in uu ka soo baxo waxyaaba mira dhal u ah dadka Soomaaliyeed.

vlcsnap-2015-03-28-21h56m13s242 vlcsnap-2015-03-28-21h54m25s180 vlcsnap-2015-03-28-21h54m29s221 vlcsnap-2015-03-28-21h54m57s252 vlcsnap-2015-03-28-21h55m38s148 vlcsnap-2015-03-28-21h55m41s180 vlcsnap-2015-03-28-21h55m45s215 vlcsnap-2015-03-28-21h56m13s242 vlcsnap-2015-03-28-21h56m33s187 vlcsnap-2015-03-28-21h57m07s18 vlcsnap-2015-03-28-21h58m20s226 vlcsnap-2015-03-28-21h58m41s182 vlcsnap-2015-03-28-21h59m02s134 vlcsnap-2015-03-28-22h01m08s47 vlcsnap-2015-03-28-22h01m25s242 vlcsnap-2015-03-28-22h01m45s227 vlcsnap-2015-03-28-22h01m53s57 vlcsnap-2015-03-28-22h02m03s158 vlcsnap-2015-03-28-22h02m09s221 vlcsnap-2015-03-28-22h02m17s39 vlcsnap-2015-03-28-22h02m23s101 vlcsnap-2015-03-28-22h02m29s157 vlcsnap-2015-03-28-22h02m35s224 vlcsnap-2015-03-28-22h02m43s43 vlcsnap-2015-03-28-22h02m49s100 vlcsnap-2015-03-28-22h02m57s187

Mustaf Xuseen Cabdulle (Hiiraan)

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In