Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Baarlamanka Soomaaliya oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo Wasiiro”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Baarlamanka Soomaaliya oo Khartoum kula kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Suudaan iyo Wasiiro”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha waaxda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga  baaarlamaanka Soomaaliya  xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble iyo wafdi uu hogaaminayo oo howlo shaqo u jooga Khartuum  ayaa booqday maxkamadda danbiyada dalka Suudaan.

Gudoomiye ku xigeenka  waaxda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga  baaarlamaanka Soomaaliya    Prof Maxamed Cumar Dalxa oo maalmahaanba booqasho ku jooga isaga iyo qaar ka mid ah xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxay ka qeeyb galeen   siminaar ay qabaneesay maxkamadda danbiyada  Suudaan loogana hadlaayay  habdhaqanka guracan oo ay kula dhaqanto   maxkamadda aduunka  dowladaha so koraya madaxdooda oo uu ku jiro Madaxweeynaha dalka Suudaan mudane Cumar Xasan Albashiir sidii la isaga kaashan lahaaa falalkaasi lagula kacayo madaxda qaaradda Africa qeeybaheeda kala duwan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dhanka kale  Prof Dalxa mar uu u waramayay warbaahinta qaranka  ayuu tibaaxay  in ay la kulmeen gudiga joogtada baarlamaanka Suudaan iyo  wasiiru dowlaha baarlamaanka  Suudaan Dr Daariq waxaana ku wehliyay kulankooda madaxda safaaradda  Soomaaliya ee dalka Suudan uguna horeeyo sii hayaha safaarada Soomaaliya  Ibraahim Guure u qeebsanaha safaaradda Soomaaliya dhanka warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow  isagoo uga warbixyay marxaladaha uu iminka marayo dalka Soomaaliya oo dhawaan ay ku soo wajahantahay lana filaayo in ay  ka dhacdo doorsho hufnaan ku dhisantahay  maadaama buu yiri Soomaaaliya ay marxalado kala duwan soo martay  balse manta dowlada Soomaaliya ay tahay mid guulo farabadan oo la taaban kara ka gaartay mudadii ay shaqeeneesay .

Wasiiru dowlaha baarlamaanka  Suudaan Dr Daariq ayaa sheegay in ay jiraan iskaashi fiican oo ka dhaxeeeya Suudaaan iyo Soomaaliya lehna dhan walbo Suudaana  ay ka qeeb qaadatay dib u heshiisiino u dhaxeeya mucaaradka iyo dowladda  islamarkaana bilaaban xiriirka Suudaan iyo Soomaaliya dhawaanahaan balse ay jirto taariikh soo jireen ah oo caddeeyneeysa heerarka kala duwan ee xiiriirka 2-da dal.

Gebagebadii kulanka ayaa wasiirudowlaha waxa uu casha sharaf u sameeyay wafdiga ka socday baarlamaanka Soomaaliya uuna hogaaminayay Gudoomiyaha  waaxda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga  baaarlamaanka Soomaaliya  Cabdulqaadir Cali Cosoble iyo  ku xigeenkiisa  Prof Maxamed Cumar Dhalxa iyo xildhibaan Cabdiraxmaan “Ibbi”.

IMG_1930 IMG_1936 IMG_1940 IMG_1944 IMG_1954 IMG_1960 IMG_1972 IMG_1982 IMG_1989

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhambaal ka helay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingariiska+Sawirro

Next Post

R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK+Sawirro

Next Post
R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK+Sawirro

R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In