Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo gaaray Baydhabo

May 25, 2018
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil Maraykan ah ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba kusoo dhoweeyay Saraakiil ka titsan qaybta 60-aad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hor kacayay abaanduulaha qaybta,  Ismaaciil Khalliif Shire.

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Xubnahan ka socda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa kulan la qaatay saraakiisha qaybta 60-aad, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howl-gallada lagu sugayo ammaanka Dalka iyo sidii loo furi lahaa Waddooyinka qaar oo ku xirmay rabshado ay halkaa ka geystaan Kooxda Al-Shabaab.

Abaanduulaha qaybta 60-aad Ismaaciil Khalliif  Shire, oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay wafdigani ka wada hadleen sidii ay  u ogaan lahaayeen qaab dagaaleedka qaybta iyo waxa uu Ciidanku u baahn yahay, si loogu gudbiyo madaxda iyaga ka sarreysa, iyagoo booqasho tan la mid ahna ugu tegi doono Ciidamada Degmada Buur Xakaba oo isugu jira SNA iyo K/Galbeed.

“Qaybta ayay ugu socdaan qaab dagaaleedkeeda iyo waxa aan u baahannahay qayb ahaan, si ay ugu gudbiyaan madaxda iyaga ka sarreeysay, waxaa u dhinnaa Buur xakabo, ciidamadaasna waxay isugu jiraan  SNA iyo K/galbeed” ayuu yiri Abaanduule Ismaaciil Khalliif.

Abaanduulaha ayaa intaa ku daray inay Ciidamada wada jira ku howlan yihiin diyaargaroow dagaal, iyagoo ku wajahan Tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay oo ay nabad diidku ku dhibaateeyaan Shacabka, si anay u dhicin hakad ku yimmaadda isu socodkii Dad weynaha.

Waa markii Labaad ee ay Magaalada Baydhabo tagaan wufuuddan ka socota wasaaradda Gaashaandhigga  Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo uu qorshuhuna yahay soo Afjaridda kooxda Al-shabaab iyo tayaynta Ciidamada Soomaaliyeed ee halkaa ka how-gala.

Previous Post

Wasaardda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii ka dhacday Barta Kantorool ee Ciidanka Amniga ee KM-0

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo” SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo” SAWIRRO

Madaxweyne Farmaajo "Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo" SAWIRRO

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In