Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabad loogu dabaal degayey Aqoonsiga xeer Ciise

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabad loogu dabaal degayey Aqoonsiga xeer Ciise
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya, Cabdiwahaab Cumar Caananuug ayaa magaalada Diridhabe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida uga qeyb galay munaasabad loogu dabaal-degayo aqoonsiga Xeerka Soomaaliyeed ee xeer Ciise oo ay dhawaan aqoonsatay Hay’adda UNESCO

Munaasabaddan oo halku-dhig looga dhigay “Xeer Ciise waxa uu gundhig u yahay sinnaanta, caddaaladda iyo midnimada”, ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal qof, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka kala socotay wadamada Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Related posts

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu maamuusayay xeerkan ayaa uga mahadceliyay hay’adaha iyo dadkii ka shaqeeyay in xeerka la aqoonsado, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqamada soo jireenka ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka, Waxbarashada iyo Cilmiga ee UNESCO ayaa dhowaan xeerkan aqoonsatay, iyadoona lagu daray dhaqamada dunida ka jira ee lama taabtaanka ah, waxaana si gaar ah xeerkani u wadaagaya bulshada Ciise ee degta dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jibuuti.

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay soo dhoweynta munaasabadaan Xeer Ciise

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Next Post

Wasiirka Dhallinyarada oo si rasmi ah u daahfuray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise

Next Post
Wasiirka Dhallinyarada oo si rasmi ah  u daahfuray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise

Wasiirka Dhallinyarada oo si rasmi ah u daahfuray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In