Wafdi isugu jira dowladda Federaalka Soomaaliya. hay’adaha Unicef, WFP iyo xubno kale ayaa gaaray magaalada Dolow ee Gobolka Gedo, halkaasi ay kulamo kula qaateen maamulka Degmada.
Maamulka ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladda Degmada ee dhanka amniga iyo horumarka ka jirta, gaar ahaan xalada barakacayasha ee ku sugan Degmada.
Wafdiga waxa ay booqdeen xeryaha Kabaasa iyo Qanshaley oo ay ku jiraan barakacayaasha ugu badan ee ku sugan Gobolka Gedo, waxaaana ay soo indho indheeyeen xaaladda beni’aadannimo ee halkaasi ka jirta.
Guddoomiyaha Maamulka Degmada Dolow Iidle Xasan Cabdullaahi ayaa sheegay in ay so dhaweynayaan waftiga ka socdo Dowladda Soomaaliya, Hay’adaha Unicef, WFP iyo Jarmalka, waxaana uu sheegay in deegaanku uu yahay nabad cid kasto oo caawinayso dadkaan barakacaysha ahna ay garab istaagi doonaan lana shaqayn doonaan.
Maxamed Cabdi Farax u qaabilsanaha naafaqada dowladad Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa maamulka Dolow uga mahadceliyay heerka fiican ee Degmadu ka gaartay ammaanka isagoo sheegay in mashruuc lagu caawinayo dadka barakacayaasha ah laga hirgelin karo magaalada Dolow.