Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Aqoon isweydaarsi ka furmay Dalka Shiinaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Aqoon isweydaarsi ka furmay Dalka Shiinaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasi oo ay soo qaban qaabisay xarunta Tababarada Caalamiga ah ee Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Ifraax Cabdulaahi Cabdi oo ah xubin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay horumarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.

Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo horumarka Bulshada.

Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo booqday deegaanka Goobweyn “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka oo kulan ku leh Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka oo kulan ku leh Muqdisho “SAWIRRO”

Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Adduunka oo kulan ku leh Muqdisho "SAWIRRO"

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In