Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo u kuurgalaya hirgelinta mashruuca biyoole

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo u kuurgalaya hirgelinta mashruuca biyoole
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulgoboleedyada qeybta ka ah  Unugga Iskudubbarridka Mashruuca Biyoole oo ay hoggaamineyso Xukuumadda Federaalka ayaa safar shaqo ujooga deegaannada Maamulka Puntland.

Ujeeddada socdaalkan ayaa ah sidi Maamulgoboleedyada kala ah Galmudug iyo koonfur Galbeed  oo qeyb ka ahaa wafdiga maalmahan ku sugnaa deegaannada Puntland  ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen biyaxireennada iyo Wara-biyoodyada deegaannadaas,  ayadoo dhowaan deegaannadooda laga hirgelin doono wara-biyoodyo iyo biya-xireenno qeyb ka ah Mashruuca Biyoole ee dowladda  Dhexe ay maamusho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Dr. Cabdullaahi Cilmi oo ah iskudubbarridaha Mashruuca Biyoole ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wafdigan  hormuud u ah ayaa booqday wara-biyoodyada Farjanno ee degmada Burtinle oo horay loo dhisay iyo Rabaable oo dhowaan ladhisi doono. Wafdiga oo galabta gaaray magaalada Qardho ayaa berri booqan doona deegaannada Ceel-Daahir, Laasa-dowaco iyo wara-biyoodyada kale oo dhowaan la hirgelin doono.

Hadafka uu xambaarsan yahay Mashruuca Biyoole  waa in biyo ku filan loo helo dhulka oomanaha ah ee aan Wabiyada laheyn sida dowladgoboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Somaliland, iyada oo laga faa’ideysanayo biyaha roobka ee togaggu ay wadaan si ay Xoola dhaqatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed uga faa’ideystaan.

Mashruucaan waxaa iska leh Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ayna ka  hirgelineysaa  maamulgoboleedyada ka tirsan dowladda Federaalka.

Biyoole  waxaa uu si gaar ah door muhiim ah uga qaadanaaya hirgelinta mashruuca Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo maamullada ee kala ah Wasaaradaha Qorsheynta, Wasaaraddaha Biyaha,  Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Deegaanka. waxaa intaasi dheer oo qeyb ka ah mashruuca tayeynta iyo kor-u-qaadista aqooneed ee Wasaaraddaha hirgelinaya Mashruuca Biyoole   ee maamulgoboleedyada iyo Dowladdaba. Mashruucu waxa uu socon doona muddo shan sano ah, waxaana ku bixi doona kharash dhan 42 milyan oo doollar oo uu Bakiga Adduunku ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In