Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo u kuurgalaya hirgelinta mashruuca biyoole

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo u kuurgalaya hirgelinta mashruuca biyoole
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulgoboleedyada qeybta ka ah  Unugga Iskudubbarridka Mashruuca Biyoole oo ay hoggaamineyso Xukuumadda Federaalka ayaa safar shaqo ujooga deegaannada Maamulka Puntland.

Ujeeddada socdaalkan ayaa ah sidi Maamulgoboleedyada kala ah Galmudug iyo koonfur Galbeed  oo qeyb ka ahaa wafdiga maalmahan ku sugnaa deegaannada Puntland  ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen biyaxireennada iyo Wara-biyoodyada deegaannadaas,  ayadoo dhowaan deegaannadooda laga hirgelin doono wara-biyoodyo iyo biya-xireenno qeyb ka ah Mashruuca Biyoole ee dowladda  Dhexe ay maamusho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Dr. Cabdullaahi Cilmi oo ah iskudubbarridaha Mashruuca Biyoole ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wafdigan  hormuud u ah ayaa booqday wara-biyoodyada Farjanno ee degmada Burtinle oo horay loo dhisay iyo Rabaable oo dhowaan ladhisi doono. Wafdiga oo galabta gaaray magaalada Qardho ayaa berri booqan doona deegaannada Ceel-Daahir, Laasa-dowaco iyo wara-biyoodyada kale oo dhowaan la hirgelin doono.

Hadafka uu xambaarsan yahay Mashruuca Biyoole  waa in biyo ku filan loo helo dhulka oomanaha ah ee aan Wabiyada laheyn sida dowladgoboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Somaliland, iyada oo laga faa’ideysanayo biyaha roobka ee togaggu ay wadaan si ay Xoola dhaqatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed uga faa’ideystaan.

Mashruucaan waxaa iska leh Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ayna ka  hirgelineysaa  maamulgoboleedyada ka tirsan dowladda Federaalka.

Biyoole  waxaa uu si gaar ah door muhiim ah uga qaadanaaya hirgelinta mashruuca Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo maamullada ee kala ah Wasaaradaha Qorsheynta, Wasaaraddaha Biyaha,  Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Deegaanka. waxaa intaasi dheer oo qeyb ka ah mashruuca tayeynta iyo kor-u-qaadista aqooneed ee Wasaaraddaha hirgelinaya Mashruuca Biyoole   ee maamulgoboleedyada iyo Dowladdaba. Mashruucu waxa uu socon doona muddo shan sano ah, waxaana ku bixi doona kharash dhan 42 milyan oo doollar oo uu Bakiga Adduunku ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

Wasiirka Warfaafinta oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Fanaankii Faarax Siidow Faarax

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In