Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

 

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, waxana safarka ku weheliya madax kale oo ka tirsan Wasaaradda, waxaana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan  Malaaq kool kooliyow iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan ka socda Wasaaradda Waxbarashadda ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gali doona shir wadatashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashadda iyo Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka oo Baydhaba ka furaya, kaasi oo socon doono muddo saddex maalin ah, iyadoo shirka inta uu socdo looga hadli doonaa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalinta beri ah gaari doona magaalada Baydhabo si uu ugu qeyb galo shirka u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka jira dalka.

Previous Post

Adeegga bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo ka bilaabatay Safaaradda Soomaaliya ee Faransiiska “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo) SAWIRRO

Next Post
Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo) SAWIRRO

Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo) SAWIRRO

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In