Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashada XFS oo gaaray Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya oo maanta ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf, waxana safarka ku weheliya madax kale oo ka tirsan Wasaaradda, waxaana garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Cismaan  Malaaq kool kooliyow iyo xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan ka socda Wasaaradda Waxbarashadda ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb gali doona shir wadatashi ah oo u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashadda iyo Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka oo Baydhaba ka furaya, kaasi oo socon doono muddo saddex maalin ah, iyadoo shirka inta uu socdo looga hadli doonaa horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maalinta beri ah gaari doona magaalada Baydhabo si uu ugu qeyb galo shirka u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka jira dalka.

Previous Post

Adeegga bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo ka bilaabatay Safaaradda Soomaaliya ee Faransiiska “SAWIRRO”

Next Post

Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo) SAWIRRO

Next Post
Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo) SAWIRRO

Duqa Muqdisho oo la dardaarmay Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Munishiibiyo) SAWIRRO

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In