Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda WHO oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda WHO oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug soo garay wafdi balaran oo ka socda hey’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO oo u yimid indha-indheynta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan ogaanshaha isbadalka uu sameeyay mashruuca Soler systemka ee hore looga hirgaliyay isbitaalka Xanaano, isla markaana loogu talagaley in loo adeegsado meshiinada niifta siiya bukaanada.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Shakiib Xuseen madaxa qorsheynta xafiiska WHO ee Soomaaliya, ayaa ugu horeyn Kormeeray ishitaalada Dayax iyo xanaano oo ka mid ah xarumaha bixiya adeegyada ugu badan ee Caafimaadka Magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna si gaar ah maamulada isbitaaladan ka xog wareysteen baahida ay u qabaan helida awood koronto oo ka timaada nidaamka soler systemka, maadaama adeegsiga korontadu uu mararka qaar keeno qataro kayimaada korontada oo tagta xiliyada qaar.

Kormeerkan oo ay ku wehliyay Wafdiga WHO, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayay si gaar ay ugu indha-indheeyeen qaybaha isbitaalka Xanaano ee laga hirgaliyay Mashruuca Solar System-ka kaasi oo bukaano badan ka caawiyey in ay helaan oxygen kufilan, isla markaana suura-galiyey in adeegyada isbitaalku bixiyo noqdaan kuwo joogta ah oo badbaado u noqday bukaano badan.

Mas’uuliyiinta WHO oo ugu dambeyn la geeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay wasiirka Caafimaadka Galmudug, Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo madaxda Xafiisyada Wasaaradda oo goobta kusoo bandhigey warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada guud ee caafimaadka Galmudug.

Previous Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daah furtay kulan muhiim ah

Next Post

RW Rooble oo fulliyay ballan uu ka qaaday Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Next Post
RW Rooble oo fulliyay ballan uu ka qaaday Agoonta Booliska Soomaaliyeed

RW Rooble oo fulliyay ballan uu ka qaaday Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In