Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaar ka ah ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa gaaray wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo kuso dhoweeyay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo.
Socdaalka Wafdigan ayuu ujeedkiisa yahay sidii degaannada Maamulka Koonfur Galbeed, loo gaarsiin lahaa Deeq Rashiin ah oo loogu talo galay dadka abaaraha iyo dhibatooyinka kala duwan ay ku heystaan degaannada Koonfur Galbeed.