Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wafdigan oo  ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, iyadoo ay la socdeen Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin Ibbi ayaa kulan ay la yeesheen Wasiiru Dowlaha Dowlada Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid waxa ay kala hadleen xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Ibraahin Guure Maxamed iyo Uqaybsaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal ee ku salaysan sidii laysaga kaashan lahaa in lays garab istaago layskuna taageero kulamada heerka caalami ah ee labada dowladood xubno ka yihiin.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble ayaa ka warbixiyay xaalka wadanka uu xiligan marayo iyo in doorashooyin xiligan nagu soo fool leeyihiin, isagoo intaas ku daray Xildhibaanka in Soomaaliya xariir wanaagsan la leedahay Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in wadanka xilligan uu marayo bilowga horumarka, lagana soo gudbay burburkii iyo fowdadii horay loo soo maray.

Xildhibaan Dalxa oo isna ka hadlay kulanka Wasiiru Dowlaha lala qaatay ayaa sheegay in booqashadooda Suudaan ee xiigan wax badan ka faa’ideen oo ay u baahnaayeen in ay helaan, isagoo ka codsaday in Dowladda Suudaan ay noqoto dowlad mar walba u dooda una hadasha Shacabka Soomaaliyeed shir walba oo ay ka qayb galaan.

Dalxa ayaa sidoo kale ka codsaday in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo la sheegay in ay ku jiraan Xabsiyada Dowladda Suudaan oo lagu eedeeyay in ay Suudaan kusoo galeen sharci daro loo fududeeyo  il naxariis lehna lagu eego sii dayntooda,

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid ayaa isagana ka sheekeeyay xariirka hoose uu la leeyahay walaalahiis Soomaalida isagoo sheegay in uu ahaa Wasiirkii ka qayb galay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee lagu qabtay dhawaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha IGAD oo Suudaan ka mid tahay mar walba xaaladda Soomaaliya ay ku garab istaagaan Dowladda Soomaaiya sidii loo taageeri lahaaa.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulan la qaatay Golaha Xisbiyada Afrika oo xaruntooda tahay Dalka Suudaan, iyagoo la kulmay Guddoomiyaha Golahaas Dr. Naafic Cali Naafic oo horay u ahaa kaaliyaha Madaxweynaha Suudaan.

Wafdiga iyo Golaha ayaa ka wada hadlay sidii xisbiyada Soomaaliya iyo Suudaan wax badan oo xariir ah ka dhaxayn lahaa iyadoo Golahan uu yahay Gole ay ku midaysan yihiin dhamaan xisbiyada Afrika oo dhan.

Wafdiga ayaa soo gabagabeeyay Booqashadii 5-ta maalin qaadatay ee Suudaan madax kala duwan kula kulmeen.

IMG_2312 IMG_2314 IMG_2319 IMG_2320 IMG_2322 IMG_2323 IMG_2324 IMG_2340 IMG_2342 IMG_2343 IMG_2345 IMG_2355 IMG_2356 IMG_2358 IMG_2363 IMG_2367

Yuusuf Kashmiir sudan

Previous Post

Dugsiga sare ee deegaanka Ceeldibir oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In