Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 6, 2016
in Wararka
0
Wafdi ka socday Baarlamaanka oo Khartoum kulan kula qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wafdigan oo  ka socday Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali, iyadoo ay la socdeen Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin Ibbi ayaa kulan ay la yeesheen Wasiiru Dowlaha Dowlada Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid waxa ay kala hadleen xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Ibraahin Guure Maxamed iyo Uqaybsaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal ee ku salaysan sidii laysaga kaashan lahaa in lays garab istaago layskuna taageero kulamada heerka caalami ah ee labada dowladood xubno ka yihiin.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble ayaa ka warbixiyay xaalka wadanka uu xiligan marayo iyo in doorashooyin xiligan nagu soo fool leeyihiin, isagoo intaas ku daray Xildhibaanka in Soomaaliya xariir wanaagsan la leedahay Dowladda aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in wadanka xilligan uu marayo bilowga horumarka, lagana soo gudbay burburkii iyo fowdadii horay loo soo maray.

Xildhibaan Dalxa oo isna ka hadlay kulanka Wasiiru Dowlaha lala qaatay ayaa sheegay in booqashadooda Suudaan ee xiigan wax badan ka faa’ideen oo ay u baahnaayeen in ay helaan, isagoo ka codsaday in Dowladda Suudaan ay noqoto dowlad mar walba u dooda una hadasha Shacabka Soomaaliyeed shir walba oo ay ka qayb galaan.

Dalxa ayaa sidoo kale ka codsaday in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo la sheegay in ay ku jiraan Xabsiyada Dowladda Suudaan oo lagu eedeeyay in ay Suudaan kusoo galeen sharci daro loo fududeeyo  il naxariis lehna lagu eego sii dayntooda,

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Suudaan Mudane Kamaalu Diin Ismaaciil Saciid ayaa isagana ka sheekeeyay xariirka hoose uu la leeyahay walaalahiis Soomaalida isagoo sheegay in uu ahaa Wasiirkii ka qayb galay shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee lagu qabtay dhawaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha IGAD oo Suudaan ka mid tahay mar walba xaaladda Soomaaliya ay ku garab istaagaan Dowladda Soomaaiya sidii loo taageeri lahaaa.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulan la qaatay Golaha Xisbiyada Afrika oo xaruntooda tahay Dalka Suudaan, iyagoo la kulmay Guddoomiyaha Golahaas Dr. Naafic Cali Naafic oo horay u ahaa kaaliyaha Madaxweynaha Suudaan.

Wafdiga iyo Golaha ayaa ka wada hadlay sidii xisbiyada Soomaaliya iyo Suudaan wax badan oo xariir ah ka dhaxayn lahaa iyadoo Golahan uu yahay Gole ay ku midaysan yihiin dhamaan xisbiyada Afrika oo dhan.

Wafdiga ayaa soo gabagabeeyay Booqashadii 5-ta maalin qaadatay ee Suudaan madax kala duwan kula kulmeen.

IMG_2312 IMG_2314 IMG_2319 IMG_2320 IMG_2322 IMG_2323 IMG_2324 IMG_2340 IMG_2342 IMG_2343 IMG_2345 IMG_2355 IMG_2356 IMG_2358 IMG_2363 IMG_2367

Yuusuf Kashmiir sudan

Previous Post

Dugsiga sare ee deegaanka Ceeldibir oo la dhagax dhigay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In