Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday Dowlada Soomaaliya oo kulama kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday Dowlada Soomaaliya oo kulama kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi u hogaaminayay Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos uuna kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Mudane Maxamed Keeroow Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay wasiir ku xigeenka dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Adanan Yildrim, iyagoo kulankooda uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga ee dalka Soomaaliya.

Wafdiga ka socday dowlada Soomaaliya  ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah xildhibaan Maxamed Goodir iyo ganacsato Soomaaliyeed,kuwaas ka qeyb galaayey bandhig carweedka dalalka carbeed iyo Turkiga, waxaana wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga uu si weyn u soo dhaweeyey wafdiga heerka wasiir ee ka socda dalka Soomaaliya.

Related posts

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026

Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiir dowlaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha mudane Maxamed Keeroow Maxamed ayaa sidoo kale waxa ay casuumaad ka haleen duqa magaalo madaxda sedexaad ee dalka turkiga ee Izmir mudane Aziz Kocaoglu, isagoo si qurux badan u soo dhaweeyey wafdigan ka socday dowlada Soomaaliya  waxa uuna muujiyey in uu ku faraxsanyahay in wafdi heer wasiir ah ay soo booqdaan magaalada Izmir.

Madaxa Xafiiska arrimaha ganacsiga ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Mudane Yuusuf Jeego ayaa warbaahinta u sheegay in si weyn loogu farxay booqashada iyo ka qeyb galka bandhig carweedka Izmir, iyadoo si gaar ah loo maamuusayey wafddiga ka socday dowlada Soomaaliya,kuwaasoo sidoo kale   booqday  xarunta hay’adda qaban qaabiso bandhig carweedyada lagu qabto  magaalada Izmir,waxana uu wafdgu warbixin ka dhageystay madaxda ha’yadda Izfaash.

Bandhig carweedkan Midowga ganacsatada dalalka carbeed iyo Turkiga TURAB oo mudo laba cesho ah ka socday magaalada Izmir ayaa la soo gabagabeeyey,iyadoo intii uu socday lagu soo bandhigay qeybo ka mid ah wax soo saarka dalalka carbeed,kuwaas oo ay soo bandhigeen  qaar ka mid ah shirkadaha  Turkiga.

w1 w2 w3 w4 w5

Sawirada iyo Warbixinta:-C/raxmaan Xudeyfi

Previous Post

Shir Looga Hadlayay Baahinta Federaalka oo Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay”Sawirro”

Next Post

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka sadexaad ee India iyo Afrika “Sawirro”

Next Post
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka sadexaad ee India iyo Afrika “Sawirro”

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka sadexaad ee India iyo Afrika "Sawirro"

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

April 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In