Wasiirka qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ,wasiirka Boostada isgaasiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Eng.Cabdi Cabshuur Xasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa goor dhaw diyaarad sida caga dhigay garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif ee Magaalada baladqweyne.
Xubhanaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gaararay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran ayaa u kuurgalaya saameynta uu wabiga shabeele ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalada sida bundoweyn iyo qeybo ka mid ah kanaalada dhax mara Magaalada.
Wafdi waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobolka iyo kan degmada waxaana ay kormeer ku tagi doonaan goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga iyagoo sidoo kale kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.
Saacadahii lasoo dhaafay waxaa Magaalada baladweyne ka da’ayay Roobab ma hiigaan ah waxaana lasoo sheegaya in wabiga shabeelle oo saameyay fatahaada iyadoo maalmahaan ay cabsi xoogan ka jira fatahaad u sameeyay waxaana Dowladda ay goor hore u kuur galeysa xaalada kasoo korortay Baladweyne si looga gaashaanto qasaaro ka dhasha.
Sanadkii tagay ayuu wabiga shabeelle fatahad xooga sameeyay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baladweyne taasi oo sababy qasaaro isugu jira naf iyo maalba haba ugu darnaatee bur bur uu ugeystay inta badan Magaaladda.
S/Q :Cabdishakuur Caismaan Cali