Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo kormeeray xeryaha barakacayaasha Beladweyne

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo kormeeray xeryaha barakacayaasha Beladweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (karoore) ee maanta Beledweyne soo gaaray waxaa qeyb ka ahaa Wakiilo ka socday Xoghayaha guud Qaramada Midoobay oo kala ah  Gen, Micheud iyo ku-xigeenka Arrimaha bena’aadimada DRSG Aadam Abdlla.

Wafdiga  uu Wasiirka hoggaaminayay waxaa garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne kusoo dhaweeyay ku-simaha Guddoomiyaha gobolka ahna Guddoomiyaha ku xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda maamulka Gobolka Hiiraan mudane Xasan Ibraahim Cabdulle Isu-duwaha Maaliyadda gobolka  Hiiraan Ciiloow Cawaale iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Socdaalka Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Hirshabelle sida Wasiir kuxigeenka Wasaaradda gar-gaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Xasan Cabdi Yuusuf iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Cabduqaadir Cabdulle Xooshoow.

Wasiirka iyo wafdiga ka socotay Qaramada Midoobey ayaa kormeeray xerooyinka Barakacayaasha ee kuyaalla Beledweyne,  waxaana dhinaca kale kulan albabaada u xeranyihiin ku yeesheen xaruunka Qaramada Midoobay ee deegaanka Ceeljaalle ku yaalla.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sdii wax loogu qaban lahaa qoysas badan oo ay isku biirsadeen Abaarta iyo kuwa kasoo  barakacay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee at hormuudka ka yihiin ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaannada Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku jira xerooyinka Barakacayaasha ee Beledweyne ku yaalla.

Previous Post

R/Wasaare Ku Xigeenka Oo kulan la yeeshay Guddiga la dagaallanka lacagta sharc-darrada ah

Next Post

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya?

Next Post
Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya?

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya?

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In