Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Doolow, kuna wajahan Belad-Xaawo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir Juxa oo goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa oo ay wehlinayaan Xildhibaanno iyo Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa maanta gaaray magaalada Doolow oo ku taala xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada iyo shacabka.

Wafdiga ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Degmada Doolow oo kaga warbixiyay Xaalada guud ah ee degmada, arimaha amniga iyo socdaalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta la socota waxaa lagu wadaa inay sidoo kale tagaan magaalada Beled Xaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo u kuur galaya muranka ka taagan Beled-Xaawo oo la sheegay in ciidamada Kenya ay ka dhisayaan Darbi, waxayna kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo shacabka.

Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka ayaa kulan uu shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay arrinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arrintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xunyihin, waxaana Guddiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee kiiskan la xiriirta.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo tartan kubadda cagta ah u furay Maxaabiista Xabsiga dhexe

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray qeybo ka mid ah Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray qeybo ka mid ah Gaalkacyo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray qeybo ka mid ah Gaalkacyo "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In