Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo tartan kubadda cagta ah u furay Maxaabiista Xabsiga dhexe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa maanta tartan kubadda cagta ah u furay 12-koox oo ka kala tirsan Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Xamar iyo ciidanka Asluubta oo ku hardami doona Tartankaasi.

Ujeedka Tartankan kubadda Cagta ee loo qabtay Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Ciidanka Asluubta ayaa wuxuu yahay mid lagu dhiira gelinayo maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe, isla markaana kor loogu qaadayo garaadkood.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan oo ka hadlay furitaanka Tartanka kubadda Cagta ayaa kula la dardaarmay dhallinyarada maxaabiista iney muujiyaan Ciyaar wanaag, soona bandhigaan xirfad kubadeed.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay in dhallinyarada maxaabiista loo qabto tartan kubadda cagta ah, tallaabadaasina uu ku amaanay Taliyaha Ciidanka Asluubta.

Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Degmada Xamar jajab Cali Cabdiqaadir Faarax ayaa sheegay in isbedel balaaran uu ka muuqdo dhallinyarada maxaabiista ah ee ku jirta Xabsiga dhexe, taasi oo sabab u ah tartanka cayaaraha loo qabanayo dhallinyarada maxaabiista oo is daba joog ah.

Kulan Ciyaareedkaan Kubadda cagta ah ayaa maanta lagu daah furay Labo Koox oo ku kala ciyaareysa magacyada B-Muundo oo ah dhalinyarada Maxaabiista iyo Koox ka socota Ciidanka Asluubta.

Previous Post

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale u fariisatay Dacwada loo heysto eedaysanayaashii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe

Next Post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Doolow, kuna wajahan Belad-Xaawo

Next Post
Wasiir Juxa oo goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug “Dhageyso”

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaaray Doolow, kuna wajahan Belad-Xaawo

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In