Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo mar kale u fariisatay Dacwada loo heysto eedaysanayaashii ka dambeeyay Qaraxii Zoobe

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dacwad lagu soo oogay eedeysanayaal loo heysto Qaraxii 14-kii Bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Eedeysanayaasha maaanta dacwadooda la dhageystay ayaa gaaraya ilaa 5 ruux, iyadoo mid ka mid ah shanta eedeysane uu ka maqnaa maxkamada, waxaana magacyadooda ay kala yihiin:

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay

2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3:-Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.

4:-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5:-Cabdul Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad ee Xasan Aadan Isaaq Cali loo heysto in uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, isla markaana madax ka ahaa qeybta fulisa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka ka dhaca magaalada Muqdisho, isla markaana masuul ka ahaa labadii gaari ee ku kala qarxay Isgoyska Zoobe iyo Wadada Danwadaagaha Degmada Wadajir.

Dhageysi iyo dood kaddib Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhageysiga dacwada eedeysanyaasha dib la’ isugu soo laaban doono Maalinta Khamiista oo ku beegan 4/1/2018.

Qaraxa oo ay ka danbeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxuu geystay Qasaaro badan oo soo gaaray dad shacab ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN KU SAABSAN FADHIIGII MAANTA EE MAXKAMADDA

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/01/afrika-maxkamada-radio-muqdisho.mp3
Previous Post

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo daah furay qalab casri ah oo qashinka iyo carrada looga saarayo Dekadda Muqdisho  

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo tartan kubadda cagta ah u furay Maxaabiista Xabsiga dhexe

Next Post
Qarax ka dhacay Xabsiga Dhexe

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo tartan kubadda cagta ah u furay Maxaabiista Xabsiga dhexe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In