Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda oo si diiran loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caddaaladda Oo Ka Hadlay Dil Uu Geystay Askari Ka Tirsan Ilaaladiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan uu hogaaminayo siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa garoonka oshaaka ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, maamulka Gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana marka ay soo degeen kadib loo galbiyay xarunta maamulka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Ku-xigeenka Duqa magalada Gaalkackyo ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ay uga mahadcelinayaan qorshaha ay ku dhisayso xabsi weyn oo laga hirgelinayo Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay inay baahi weyn u qabaan.

Wasiirka Cadaaladda dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cabdi Maxamuud Fiidow ayaa sheegay in shacabka reer gaalkacyo ee Galmudug ay ku faraxsanyihiin booqashada wafdiga, ayna cadceedda u taagnaayeen soo dhaweynta wafdiga, isagoo xusay in Galmudug ay soo dhaweyneyso qorshaha lagu dhagax dhigayo xabsiga.

Siihayaha Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Gaalkacyo, waxaana uu intaa ku daray in muddada ay joogaan Gaalkacyo ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Mudug.

 

 

Previous Post

Xildhibaanno Iyo Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Qeyb Galay Kulan Wada Tashi Ah Oo Lagu Qabtay Boondheere “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In