Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Kismaayo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, oo iskugu jira Xildhibaano ka tirsan BFS, Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, iyo SSC Khaatumo oo ay sidoo kale la socdeen guddoomiyeyaasha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee heer Federaal iyo heer dawlad goballeed, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda dawladda Jubaland halkaas oo lagu daahfuri doono dawlad goballeedkii ugu horreeyey ee Wasaaraddu gaarsiiso hanaanka diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo noqday dawladda Jubaland.

Weftiga oo si heer sarre ah looggu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo, ayaa waxa halkaas ku qaabilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Jubaland, Xildhibaanada iyo Ganacsatada Jubaland, waxaana sidoo kale weftiga qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Mohamed Saney Dalmar, iyo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya Hirshabeelle, Koonfur-galbeed, iyo Galmudug, SSC Khaatumo, iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Hirgelinta hanaanka casriga ah ee diiwaangelinta ganacsiga Soomaaliya oo soo maray marxalado kala duwan, ayaa hada maraya heer gebo-gabo ah, waxaana daahfurka barnaamijkan uu daba socdaa iyada oo la fulinayo heshiiskii Dhuusamareeb 11-15kii Maarj, 2023 ay ku soo galeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha heer Federaal iyo heer Dawlad goballeedda oo ujeedkiisu ahaa in dawladda Jubaland ay noqoto dawladd goballeedka ugu horreysa ee la gaarsiiyo hanaankan casriga ah.

Hanaankan casriga ah, ayaa ganacsatada u suurtogelinaya inay Shirkadahooda Ganacsi ku diiwaangashan karaan hab casri ah oo onlayn ah iyaga oo jooga xafiisyaddooda taas oo kor u qaaday horumarkii iyo fududeyntii ganacsiga wadanka, dakhli abuurka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka.

Previous Post

Xal Nabadeed oo laga gaaray beelo ku dagaallamay Luuq

Next Post

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Next Post
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In