Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kullanka Maqaamka Caasimadda oo ka socday Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo xiray Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, oo shalay iyo maanta Muqdisho ka socday.

Kulan howleedka maqaamka caasimadda ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, ayaa labadii maalin ee uu socday waxaa looga dooday xulashooyinka miiska saaran ee maqaamka caasimaddu yeelaneyso oo kala ah:

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

A) Gobalka Caasimad oo hoosyimaada dowladda Federaalka ah.

B) Caasimad dowlad gobaleed ah

C) Caasimad ku dhex taal dowad gobaleed, waxaana ka qeyb galayaashu ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqda talooyinka bulshada laga aruurinayo.

Wasiiru-dowladda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Muumino Sheekh Cumar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Feysal Aadan Xasan ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda xiritaanka kulan howleedka Maqaamka Caasimadda Muqdisho ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Duqa Muqdisho oo kalimad ka jeediyay xiritaanka kulan howleedka ayaa wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ku boogaadiyay dadaalka uu ugu jiro iyo qabsoomidda kulan howleedkaan diirada lagu saarayay hanaanka Maqaamka Caasimadda, waxuuna adkeeyay baahida shacabka Caasimadda iyo Gobolka Banaadir ay u qabaan dhameystirka Dastuurka, maqaamka caasimadda iyo metelaad siyaasi ah.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin oo sheegay in xukuumadda Dan-qaran iyo Madaxda ugu sareysa dalka ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, oo ay qeyb ka tahay asteynta maqaamka caasimadda, ayaa yiri.

“Waxaa jira ka go’naasho siyaasadeed, waxaana xukuumadda iyo guud ahaan madaxda sare ee dalka ka go’an in Dastuurka la dhammeystiro, dastuurkuna ma dhammeystirmayo iyadoo maqaamkii Muqdisho iyo metelaadiisa aan meel la saarin, maadaama Caasimadda, Maqaamkeeda iyo meesha la dhigi doono ay kamid tahay arrimaha masiiriga ah ee la doonayo in go’aan laga gaaro”.

Kulan howleedka ayaa qeyb ah kulamada joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurku ay bulshada kala yeelaneyso cutubyada dasuurka ee dib-u-eegistu ku socoto, waxaana jiri doono kulamo kale oo muhiim u ah geeddi socodka hannaanka dib-u-eegista dastuurka.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga oo gaaray Kismaayo

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Dagmada Aadan-Yabaal 

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Dagmada Aadan-Yabaal 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Dagmada Aadan-Yabaal 

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In