Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumeysiga Badda ee Galmudug oo gaaray Magaalada Hobyo.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Kaluumeysiga Badda ee Galmudug oo gaaray Magaalada Hobyo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo  kheyraadka badda ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Xasan
Maxamed Warsame oo isugu jiray maasuliyiin ganacsato iyo quburo Ajaanib ah oo ku xeel dheer arimaha kaluumeysiga ayaa waxaa soo
dhaweyn kadib ay kormeer ku tageen Xeebta Dagmada Hobyo si ay usoo Qiimeyaan xaalada kaluumaysatada Degmada Hobyo iyagoo dhanka kalanaqiimeyn ku sameeynayay sida loo hagaajin karo Dekadda Dagmada Hobyo

Waxaa sidoo kale wafdigaan ay u kuurgaleen howlaha iyo dhaqdhaqaaqyada  ganacsi ee ka jira Degmada Hobyo taas oo tusaale fiican u
noqaneysa xaalada amaan ee dagmada hobyo oo haatan u muuqata mid laysku haleyn karo isla markaana soo dadajin karta maalgashi dhanka Ganacsiga ah oo lagu sameysto Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Related posts

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026

Kormeerka kadib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedada socdaalkooda Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Xasan Maxamed Warsame isagoona sheegay in booqashadoodu ay tahay mid salka ku heyso horumarinta Kaluumeysiga Kheyraadka Badda iyo maalgashi la xariira dhanka ganacsiga in ay ku sameeystaan dagmadaasi Ganacsatada Soomaaliyeed maadaama Dagmada Hobyo haatan ay tahay mid amaan ah isagoo tusaale fiican ku tilmaamay in iyaga oo ay wehliyaan quburo Ajaanib ah oo ku xeel dheer Kaluumeysiga ay si nabad galyo ah ku kormeereen dhamaan qeybaha Ganacsi ee ka socda Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug taas oo sanado ka hor lagu tilmaami jiray meel ka mida meelaha hoyga u ah looxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Hobyo oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Hobyo C/laahi Cali Maxamed iyo Maxamuud Maxamad Cawaale ayaa sheegay in haatan Degmada Hoby ay tahay meel amaan ah ayna kusoo dhaweeynayaan cid kasta  oo dooneysa in ay maalgashi ganacsi ka sameeystaan Degmada Hobyo sidoo kale qaar ka mida xubnihii ka socaday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyay in Dagmada Hobyo ay rajeynayaan in dhawaan ay ka sameeyaan maalgashi Ganacsi mar haddii amniga Degmadaasi laysku haleyn karo ayna indhahooda ku arkeen waxa ka jira Degmada Hobyo.

Previous Post

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda oo ka warbixiyey Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Next Post

Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo War ka soo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee Hirshabeelle.

Next Post
Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo War ka soo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee Hirshabeelle.

Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo War ka soo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee Hirshabeelle.

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Dharkeynleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 20, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Agaasimaha Guud ee WFP

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan miro-dhal ah la...

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In