Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay magaalada Xudur

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay magaalada Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga soo gaaray magaalada Xudur ayaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaarada Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya iyo hayadaha Qaramada Midoobay ee dhanka beni’aadanimada ka shaqeeya, waxana soo dhoweeyey maamulka Degmada Xudur iyo kan Gobolka Bakool.

Ugu horeyn waxay kormeereen xerooyinka ay ku nool yihii qaar ka mid ah barakacayaasha, halkaasi oo ay si hoose ah u wareysteen xaaladda ay ku noolyihiin barakacayaasha ku jira kaamamka ku yaala magaalada Xudur.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed ayaa kulamo xog wareysi  ah la yeeshay Maamulada Degmooyinka Xudur, Tiyeeglow iyo wakiilada hayadaha maxaliga ee xafiisyo ku leh magaalada, waxaana maamulada laga dhagaystay xaaladda Amni iyo nolosha bulshada ku nool Xudur.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegay in wafdiga ay uga warbixiyeen xaaladda guud ee degmada ee dhinacyada amniga iyo tan beni’aadanimo, ayna u gudbiyeen baahida ka jirta degmada Xudur.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Abuukar Axmed ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda beni’aadannimo ee ka jirta Degmada Xudur iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ku soo barakacay magaalada.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo booqday xarumo amni oo ku yaala Dalkaas “SAWIRRO”

Next Post

Ilyaas Badal oo noqday Musharixii ugu horeeyay ee qaata shahaaddada musharaxnimada Aqalka Sare ee Jubbaland

Next Post
Ilyaas Badal oo noqday Musharixii ugu horeeyay ee qaata shahaaddada musharaxnimada Aqalka Sare ee Jubbaland

Ilyaas Badal oo noqday Musharixii ugu horeeyay ee qaata shahaaddada musharaxnimada Aqalka Sare ee Jubbaland

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In