Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,halkaa oo ay ku soo dhoweyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur, saraakiil amni, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah kormeerka guud ee xaaladda amniga, adeegyada bulshada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Xudur iyo guud ahaan Gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Xudur la kulmi doona masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, isagoo dhageysan doona talooyinka iyo baahiyaha ay qabaan bulshada deegaanka, si loo sii xoojiyo nabadda, horumarka iyo wada shaqeynta dowladda iyo shacabka.










