Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Xoogga Dalka oo gaaray Dalka Kuwait “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Xoogga Dalka oo gaaray Dalka Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aaden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amiin Cali, iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgallada Col. Ciise Axmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah maanta ku gaaray Dalka Kuwait, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Kuwait, Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa iyo saraakiil kale oo Safaaradda JFS ee Kuwait ka ka tirsan.

Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ka socda ayaa inta ay booqashada ku joogaan Kuwait waxa ay la kulmi doonaan Madaxda Wasaaradda Difaaca Kuwait, gaar ahan Taliyaha Ciidanka Xoogga Kuwait Sareeyo Gaas Maxamed Khaalid Al- Khadar iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka sodcaalkoodu la xiriiro xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee walaalaha ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha sida muuqata u garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, halkaas oo ay mar walba ka muujiso garab istaaga diblomaasiyadeed marka laga hadlayo amuuraha Soomaaliya.

Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa oo dhawaan loo magacabay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait ayaa sii dardargeliyay barnaamijyadii Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Difaaca, Tacliinta, Ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxaana la rajeynayaa in dhawaan Kuwait lagu qaban doono Shirweyne lagu horumarinayo Tacliinta Soomaaliya.

Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu wadaa in booqashadoodu ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah.

 

 

Previous Post

Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqaalaah adduunka ee Geneva

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In