Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqaalaah adduunka ee Geneva

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 15, 2019
in Wararka
0
Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqaalaah adduunka ee Geneva
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlayay ka jeediyay shir-weynaha shaqaalaha Adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa inta badan diiradda saaray dedaalada Wasaaradda iyo Xukuumadda ay ugu jiraan sida ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenku shaqooyin ugu heli lahaayeen gudaha dalka.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

โ€œKulankan waxa uu ka tarjumayaa saamaynta ballaaran ee heyโ€™adda Shaqaalaha dunida ee ILO ay ku yeelatay nolosha shaqaalaha dunida boqolkii sano ee la soo dhaafay.Soomaaliya, hayโ€™adaheeda shaqaalaha waxa ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen in ay sharciyo iyo nidaamyo dhinaca shaqada la xiriira ka yagleelaan wadanka.waqtiyadii adkaa ee dagaallada sokeeye iyo xasilooni daradda, ILO waxa ay ahayd mid Soomaaliya la garab taagan taageero dhiira-galin iyo waliba hagid.shirkan aynu joogno, waxaan u baahan-ahay in aan qiimaynno gaabka u dhaxeeya rajada dadka ee ku aaddan shaqada iyo xaqiiqda runta ah ee jirta.Soomaaliya gudaheeda ,waxaan ogaannay in shaqo yaraantu ay tahay waxa lagu cabiri karo gaabka u dhaxeeyaย  xaaladda aynu ku shaqaynayn-no iyo rajadu shacabka Somaliyeed ka qabaan nolol wanaagsan.Tani maaha xaalad ku gooni ah Soomaaliya , waddamada qaar shaqadu waxa ay u tahay waddada lagu dhimo faqriga laguna gaaro horumar caalami ah.โ€ ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

โ€œMarka suโ€™aashu waxa ay noqonaysaa halkee ayaan ka nimid sidoo kale maxaan ilaa iyo hadda xaqiijnnay. Suaaโ€™shu waxa ay ahmiyad sii yeelanaysaa marka aynu xalinno shaqa laโ€™aanta iyo sinnaan laโ€™aanta sii kordhaysa.Caqabadaha aynu maanta wajahaynno boqol sanno ka dib markii la asaasay heyโ€™adda shaqaalaha adduunka ee ILO , waxa ay noogu baaqayaan in aynu la nimaano goโ€™aamo horumarsan oo rajo galinaysa boqollaalka milyan ee shaqa laโ€™aanta ah ,taasi oo ay ku doonayaan cadaalad bulsho, taasina waa mid loo baahan-yahay in aynu aqbalno oo aynu badalno.

Dowladdeenu waxa ay soo dhaweynaysaa warbixinta ka soo baxday Hoggaanka sare ee ILO ,kaasi oo si cad u qeexaya in aynu maal-gashano awoodaha muwaadiniinteena. Waxaan kaloo u baahannahay in shaqaalaheena shaqo la isku halayn karo ay helaan.Waxaanu taageeran-sanahay dib u cusboonaysiinta arrimaha bulshada oo dhan ,kuwaasi oo ay ku jiraan asaasiyaadka horumarinta aadamaha.

Shaqaalaha waa in lagu taageero fursaddo ay ku hormarin karaan xirfadahooda. Waa in aynu si wada jir ah u dhiirra-galino ilaalinta bulshada,taasi oo u ogolaanaysa in la dhiso maamullo xilligan la joogo ku habboon shaqaale weynaha dunidda.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in ay hubiso , isla markaana diiradda saarto in ayย  shaqooyin iyo fursado dhaqaale u abuurto dhallinyarada waddanka , inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca aminga ah iyo weerarro lagu handado wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.โ€ ayuu ku daray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Waxaa kalo uu shirka ka caddeeyayย  dowladda Soomaaliya inay ka goโ€™antahay in la dhiso hiigsiyo horumarineed oo la isku halayn karo, โ€˜taasina waxa ay ku caddahay siyaasadaheena iyo sharciyada aynu maal-gashannay ee dhinaca shaqaalaynta iyo ilaalinta bulshada, kuwaasi oo gundhig u noqon doona cadaalad iyo isku duubni bulsho.โ€ ayuu yiri isagoo inta ku daray โ€œQaar kamid ah dhalinta waddankeena waa shaqo laโ€™aan ,sidoo kale ma lahan xirfadihii looga baahnaa goobaha shaqada ee maanta iyo shaqooyinka mustaqbalka soo bixi doona.Dowladdu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay si ay u horumariso una abuurto jawi hal abuur ,kaasi oo dhallinyarada shaqooyin u abuuri kara ,isla markaana la socda baahida kordhaysa ee qarnigan 21-aad.โ€

Waxaa kalo uu sheegay arrimaha oo dhan inay hoos u dhigayaan khatarta halista leh ee tahriibka ,taasi oo dhallinyaradu ku doonayaan nolol tooda dhaanta. Iyada oo la eegayo mustaqbalka waa in ay xoojin-no goโ€™aankeena ku aaddan difaacidda xuquuqda shaqaalaha.Waxaan dhamaanteen isla qaadanay in shaqo laโ€™aantu iyo faqriguย  ay taabteen boqollaal milyan oo dad ah ,kuwaasi oo kala jooga waddamo kala duwan oo daafaha dunidda ah , isla markaana dumarka iyo dhallinyaradu ay yihiin kuwa dhibta ugu badani ay ka soo gaarto.โ€ ayuu raaciyay wasiir Warfaa oo gabagabadii sheegay โ€œAan si wada jir ah uga shaqaynno sidii aynu u hirgalin lahayn Mabaadiโ€™da heyโ€™adda ILO ee ku dhisan wadda hadalka bulsho ,ilaa iyo haddana ILO waxa ay ahayd mid ku taagan u jeedkii loo asaasay 100 sanno ka hor.โ€

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madax dowladaha ayaa shirka ka qeybgalay, kaaso ku aadday sannad-guurradii boqollaal ee heyโ€™adda shaqaaha adduunka, waxaana wasiirka shaqada Soomaaliya uu shirka ka qeybgalay isagoo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda” Soomaaliya Maalgashi ayay diyaar u tahay”

Next Post

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Xoogga Dalka oo gaaray Dalka Kuwait “SAWIRRO”

Next Post
Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Xoogga Dalka oo gaaray Dalka Kuwait “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Xoogga Dalka oo gaaray Dalka Kuwait "SAWIRRO"

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In