Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeybgalaya Kuwait

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeybgalaya Kuwait
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir Ku Xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Siihayaha Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibrahim iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kuwait, waxaana si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Wasiir ku xigeenka Wasaaaradda Tamarta iyo Biyaha Kuwait, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax oo uu wehliyo Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Farxaan Cabdi Gurxan.

Soo dhaweynta kadib waxaa loo galbiyay Wafdiga Wasiirka Hotel Shareton uu ka furmay Shirweynaha 3aad ee Arrimaha Biyaha Carbeed oo heer Wasiiro ah, kaas oo ay sanadkan martigalisay Dowladda Kuwait.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wafdiga Wasiirka waxaa ku wehliyay Enj. Cumar Shuuriye, Lataliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Biyaha iyo Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Carabta Cumar Carab Ibrahim.

Wasiirka iyo wafdigiisa inta ay ku sugan yihiin dalka Kuwait waxaa lagu wadaa in ay kulamo gaar gaar ah la qaataan Wasiiradda Carbeed ee Shirka ka soo qeybgalay iyo Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Kuwait oo ay marti u yihiin.

Previous Post

Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Brussels

Next Post

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Next Post
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In