Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga XFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Boosaaso+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

 Wafdigan ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaaladan Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,iyadoo ay so dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bari,kan degmada Boosaaso iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa kamid ah xubnaha wafdigan Wasiirka Amniga uu hogaaminayo,Wasiirka Beeraha XFS Mudane Siciid Xuseen Ciid,siihayaha Wasaaradda Gargaarka Cilmi Cumar Ceynsane,Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ,Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim,xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Bandar-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa faah faahiyay ujeedka socdaalkooda.

“Marka hore Waxaan doonayaa in aan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka magaalada Boosaaso iyo Dowlad Goboleedka Puntland  sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen,waxaa wafdiga ka socda Xukuumadda oo aniga aan hoggaaminayo uu ka kooban yahay wasiiro xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare,ganacsato,salaadiin,waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo,Xukuumaddu markasta waxaa ay garabtaagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed maadaama ay yihiin as askii xukuumadaha laga soo bilaabo Carta,anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda waxaan leeyahay hambalyo”.

Mas’uuliyiinta oo safarkooda lafilayo in uu qaato 2 maalmood ayaa inta ay joogaan halkani waxay kulamo kala-duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiin,waxgarad iyo qeybaha bulshada.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya oo Shir-guddoomiyay Kulanka Gudiga Qaran ee Isku Duwida Arrimaha Badaha

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudiga+(SAWIRRO)

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudiga+(SAWIRRO)

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudiga+(SAWIRRO)

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In