Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdigii ka qayb galay Shirkii Caalamiga ahaa ee Waxbarashada Sare oo Munaasabad Sagootin ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 27, 2018
in Wararka
0
Wafdigii ka qayb galay Shirkii Caalamiga ahaa ee Waxbarashada Sare oo Munaasabad Sagootin ah loo sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 27, 2018–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay wafdi ka socday waddamada Thailand, Koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo qayb ka ahaa mas’uulyiintii lagu casuumay shirkii caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagusoo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wafdiga uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur Jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay madaxda dawladda soo dhawaynta heerkeedu sareeyo ee loogu sameeyay Muqdisho intii ay u joogeen ka qayb galka shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada sare oo sannadkaan si gaar ah diiradda loogu saaray Cilmi-baarista.

Munaasabadda sagootinta ah waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ahna ku-simaha wasiirka iyo gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa ayna labaduba sheegeen in natiijada kasoo baxday shirkii caalamiga ahaa ay Muujineyso horumarka ay Soomaaliya ka sameysay waxbarashada sare maadaama leesku raacay in Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay hogaanka u qabato urur jaamacadeed ay yeelanayaan wadamada colaadaha kasoo kabanaya.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Xukuumaddu way aqoonsantahay shahaadooyinka Jaamacadaha dalka”

Next Post

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa Qarniga 21-aad oo xalay la arkay

Next Post
Dayax madoobaadkii ugu dheeraa Qarniga 21-aad oo xalay la arkay

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa Qarniga 21-aad oo xalay la arkay

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In