Wafdi uu hogaaminayo Safiika Qatar ee Somaaliya Xasan Xamza ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland ayaa safiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.
Safiirka iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa xariga ka jaray mashaariic hormarineed oo loogu talagalay caruurta agoonta ah ee ku nool jubbaland.
munaasabad kooban oo lagu daahfurayay mashariicdaas oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiinta maamulka.
intaasi ka dib ayaa wafdiga safiirka waxaa ay kulan la qaateen madaxweynaha dowlad goboleedka Jubland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada waxaana markii uu kulanka soo dhamaaday saxaafada la hadlay safiirka dowlada khadar u fadhiya Soomoaliya Xasan Xamza waxaana uu sheegay in si wadayaan taageerada dadka danyarta iyo adeegyada arrimaha bulshada.
Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa uga mahadceliyay dowlada qatar mashaariic hormarineed ee ay ka wado Soomaaliya,waxaana mashaaricda maanta ay xariga jareen kamid tahay mashruuc loogu talagalay caruurta agoonta.