Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jabuuti oo maanta ka ambabaxay Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wafdigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jabuuti oo maanta ka ambabaxay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha Wakiillada Qaranka Jamhuuriyadda Jabuuti oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay dalka ayaa maanta ka ambabaxay Muqdisho iyagoo ku sii jeeda dalkooda Jabuuti.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Aadan Cadde  ku sii sagootiyay ku simana madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muuddeey iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ka hor inta aysan wafdigan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxa ay la hadleen Warbaahinta, waxaana Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad uu sheegay in uu ku faraxsanyahay soo dhoweynta ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdooda Isagoo sheegay in muddadii dalka ay joogeen ay arkeen horumarka dowladnimo oo uu dalka ku talaabsanaayo.

Ku simana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “jawaari” ayaa u sheegay wafdigan in dalka Soomaaliya uu yahay wadankooda oo aysan marti ku aheyn islamarkaana wada shaqeynta walaaltinimada ku dhisan ee labada baarlamaan ay mar walba joogto ahaan doonto.

Wafdigan oo todobaadkii la soo dhaafay booqasho rasmi ah dalka ku joogay ayaa intii  ay joogeen kulamo la qaatay madaxda dalka iyagoo shalay heshiis iskaashi la saxiixday Labada aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya oo Qadar oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho

Next Post

Daawo Sawirrada: Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti

Next Post
Daawo Sawirrada: Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti

Daawo Sawirrada: Maamulka G.Banaadir oo Casho sharaf u sameeyay guddoomiyaha Barlamaanka Jabuuti

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In