Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Wafti ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo kormeer shaqo ku tagay Baydhabo”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Wafti ka socda Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo kormeer shaqo ku tagay Baydhabo”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafti uu hoggaaminayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayna weheliyaan agaasimaha Guud ee wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi iyo Madaxa Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT) Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Waftigan oo uu weheliyay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dawlad gobolleedka Koonfurgalbeed Maxamed Cumar Saytuun ayaa markii ay soo gaareen garoonka Baydhabo waxaa loo gudbiyay hoyga madaxtooyada waxaana qaabilay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfurgalbeed Mudane Shariif Xasan oo uga mahadceliyay madaxda wasaaradda iney mudnaan soo siiyeen maamulka K/Galbeed ayna ka bilaabeen safarkooda.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Waftigan ayaa waxey kormeer ku tageen xarumaha wasaaradda Boostadu ku lahayd magaalada Baydhaba iyo Afar jaamacadood oo ku yaalla magaalada Baydhaba halkaasoo ay kula kulmeen masuuliyiinta jaamacadaha ayna ka dhageysteen warbixino la xariira waxbarashada jaamacadaha iyo awoodda adeegga Internetka ee ay jaamacadahani heystaan.

Wasaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wadda qorshe balaaran oo ay ku tala jirto iney gaarsiiso adeegyada wasaaradda dhamaan gobollada dalka waxaana wasaaradda u qorsheysan iney booqdaan dhamaan caasimadaha dawlad gobloleedyada dalka.

Markii uu soo dhamaadey kormeerku ayaa waxaa saxaafadda la hadley wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay ujeedada safarka iyo qorshaha wasaaradda ee sanadka 2016 isagoo sheegey inay ku faraxsan yihiin inay Baydhabo soo gaareen ayna kormeereen xarumihii wasaaradda iyo jaamacadaha ku yaalla magaalada Baydhaba.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda oo saxaafadda la hadley ayaa isna sheegey in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta DFS ay go’aansatay iney adeegga wasaaradda la gaarsiiyo dalka oo dhan ayna muhiim tahay in wasaaradda iyo wasaaradaha dawlad gobolleedyadu isku xirmaan ayna wada shaqeeyaan. 17 kii bishan December ayay ahayd markii ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dawladda
dhexxe ay shir u qabatay dhamaan wasiirada dawlad gobolleedyada iyo gobollada aan wali dhismin si ay ula wadaagaan waxqabadka iyo qorshaha wasaaradda isla markaana ay wada tash u ga sameeyaan xeerka Isgaarsiinta.

Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo kamid ah xeerarka ugu muhiimsan ayaa horyaalla baarlamaanka waxaana lagu wadaa in dhawaan la meelmariyo.

Sawirka 1aad Sawirka2aad

Previous Post

Dhageyso warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo Kenya Madax kula kulmay” War saxaafadeed”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo Kenya Madax kula kulmay” War saxaafadeed”

Madaxweynaha Galmudug oo Kenya Madax kula kulmay" War saxaafadeed"

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhiirigelinayo

September 14, 2026
0

Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn...

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare ee BJFS oo qaabilay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Maaliyadda

September 14, 2026
0

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee BJFS, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In