Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafuud hore dhac u ah Wafdiga Madaxweynaha oo gaaray Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wafuud hore dhac u ah Wafdiga Madaxweynaha oo gaaray Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  ayaa maanta  gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Waxaa ka mid ah Wafdiga uu hogaaminayo  Madaxweynaha Galmudug xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Galmudug.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

January 21, 2026
Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026

Dhanka kale waxaa isla maanta gaaray magaalada Gaalkacyo Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo lagu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo.

Ujeeddada socdaalka wafuudan kala duwan ayaa guud ahaan la xiriirta sidii loogu diyaar garoobi lahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in uu booqdo magaalada Gaalkacyo maalinta berito ah.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana la arkayaa ciidamo badan oo amniga sugaya, iyadoo dhanka kale si weyn looga dareemayo magaalada marti gelinta Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka lugta ah ku soo maray qaar ka mid ah magaalooyinka dowlad Goboleedka Puntland.

 

Previous Post

Trump oo baajiyay booqashadiisii Dalka UK

Next Post

Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo ganacsi kala saxiixday

Next Post
Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo ganacsi kala saxiixday

Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo ganacsi kala saxiixday

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada hadal taleefan ugu hambalyeeyay dhiggiisa Dalka Uganda

January 21, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada hadal taleefan la yeeshay Madaxweynaha dib loo doortay ee...

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo Shir-weynaha 5-aad ee looga hadlaayo Federaalka Soomaaliya.

January 21, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay Shir-weynaha 5-aad ee Xarunta...

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

January 21, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa maanta booqasho ku tagtay xarunta...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In