Wasiirka Awqaafka Dalka Masar Mudane Mukhtaar Maxamed Juma ayaa tababar u furay wafuud ka kala socotay warbaahinta Dalalka Islaamka oo ay ku jiraan xubno matalaya Soomaaliya.
Ujeedka Tababarkaan ayaa ah in warbaahinta Dalalka Islaamka ay muujiyaan dowrkooda ku aadan horumarinta arrimaha biniaadanimada, dhaqanka wanaagsan iyo in bulshada ay ku wada noolaadaan ixtiraam iyo isfaham toosan.
Mudane Mukhtaar Maxamed Juma, wasiirka Awqaafka ee dalka Masar oo ka hadlay furitaanka tababarkaan oo socondoona mudoo todobaad ah ayaa kula talayay bulshooyinka Islaamka in ay ka fogaadaan wax kasta oo xiriira la leh Xagjirnimada.
Wadamada ka qeybgalaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Sacuudi Carabiya, Liibiya, Comoros, iyo dalal kale oo kujira Jaamacadda Carabta