Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waiirrada Warfaafinta iyo Beeraha oo deeq gaarsiiyay qoyskii ay ka geeriyootay hooyo Isniino”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Waiirrada Warfaafinta iyo Beeraha oo deeq gaarsiiyay qoyskii ay ka geeriyootay hooyo Isniino”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa Todoba Carruur ah oo ka kooban afar gabdhood iyo sedax wiil waxa ay deganyihiin oo ay ku nool yihiin guri ka sameysan baco iyo cowshado la isku xir xiry oo ku yaala ex-xaruntii hore ee wasaaradda Caafimaadka oo ku dhow taaladda Daljirka Daah-soon ee Magaaladda Muqdisho,waana Carruurtii ay ka geeriyootay Allha u naxriistee Hooyo Isniino Maxamed Maxamuud oo ka mid aheyd hooyooyin Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxyadii argagixisinimo ee maleeshiyaadka nabad diidka ah ay dhawaan ka geysteen agagaarka Hotelka SYL ee Magaaladda Muqdisho.

Carruurtan ayaa ah kuwo aad u yar yar marka laga reebo Shukri Xuseen Bashiir oo iyadu ah qofka ugu weyn carruurta.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Shukri ayaa Maaxda Dowladda ugu mahad celisay sida ay uga warqabaan carruurtaan isla markaana ay maanta deeqdan u soo gaarsiiyeen.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa booqday guriga ay ku noolyihiin carruurtaas todobada ah iyo aabahood,waxayna uga tacsiyadeeyeen geerida hooyo isniino iyo intii kale la shahiiday maadaama ay ahaayeen masaakiin aan waxba galabsan’ iyagoo deeq lacag ah gaarsiiyay.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Gaboobe ‘’Ugaas Bile’’ayaa sheegay in qof walba oo Soomaaliya ay mas’uuliyad gaar ah ka saarantahay in uu ka war qabo carruurtan ay hooyo la’aanta dhigeen kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ay laayeen maleeshiyaadka argagixisada ah ayaa ka hadlay ficilada guracan ee kooxaha nabad diidka ah ay ku daadinayaan dhiiga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay talaabo ka qaadi doonto dadka taageera kooxaha xasiloonida dalka kasoo horjeeda.

Dhawaan ayay aheyd markii qaraxyo argagixsanimo ay ka dhaceen Magaaladda Muqdisho ,waxaana hallkaas qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

IMG_2284 - Copy - Copy - Copy - Copy IMG_2285 - Copy - Copy - Copy - Copy IMG_2290 - Copy - Copy - Copy - Copy IMG_2291 - Copy - Copy - Copy - Copy IMG_2294 - Copy - Copy - Copy IMG_2295 - Copy - Copy - Copy IMG_2296 - Copy - Copy - Copy - Copy IMG_2303 - Copy - Copy - Copy IMG_2304 - Copy - Copy - Copy IMG_2308 - Copy - Copy IMG_2311 - Copy - Copy IMG_2312 - Copy IMG_2327 - Copy IMG_2335 - Copy IMG_2339 - Copy IMG_2341 - Copy IMG_2351 - Copy IMG_2360  IMG_2366 - Copy IMG_2369 IMG_2371 IMG_2374 - Copy

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Feereysane

Previous Post

Talyaaniga oo Qalab Ciyaaro Guddoonsiiyay Gabdhaha Kubadda Kolayga

Next Post

Shirka gudiyada Baarlamaanka Pan Afrika oo ka furmay Johannesburg “SAWIRRO”

Next Post
Shirka gudiyada Baarlamaanka Pan Afrika oo ka furmay Johannesburg “SAWIRRO”

Shirka gudiyada Baarlamaanka Pan Afrika oo ka furmay Johannesburg “SAWIRRO”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In