Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo bogaadiyey doorashooyinka ka socda Xarumaha dawlad gobaleedyada Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wakiilka QM ee Soomaaliya oo bogaadiyey doorashooyinka ka socda Xarumaha dawlad gobaleedyada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Danjire Michael Keating ayaa si aad ah u bogaadiyey doorashada aqalka hoose ee baarlamanka ee ka socota xarumaha dalwad gobaleedyada dalka.

Waraysi gaar ah oo uu siinaya Warbaahint Qaranka ayuu ku sheegay in ay tahay wax la bogaadiyo doorashooyinka marka loo eego sida ay wax u socdaaan, iyo suurta galnimada sida ay ku qabsoomi karto doorasho noocaan oo kale oo ay dadbadan su’aalo gelinayeen markii hore.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

“Waxaan leeyahay hambalyo, doorashadana si wanaagsan oo lagu farxo ayey u socotaa, boqolkiiba 40 wax ka badan ayaa ku soo baxay oo Xildhibaano noqday, waxaana ay isugu jiraan, kuwa cusub oo da’yar wiilal iyo gabdho leh iyo kuwa hore oo da’ah intaba”, ayuu yiri Keating.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd suurta galnimada in doorashada madaxtinimo markale dib u dhacdo ayuu sheegay in rajo wayn uu ka qabo in wakhtigeeda ay dhacdo balse aanu meesha ka saari Karin dib u dhac ku timaada wakhtiga loo madlan yahay oo ah bishan November 30-keeda.

Ambassador Michael Keating ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta colaada magalada Galkacyo ee uu nabadaynteeda awgeeda laba jeer u tagay, si la’isugu dabqaado heshiis rasmi ah oo xabbad joojineed-na ay u gaaraan maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Sheekada Gaalkacyo waa mid adag waxaana la’isku hayaaa arrimo dhawr ah oo la xiriirta muran dhul, mid kheyraad iyo dastuuri intabada, waxaana jiray heshiis nabbadeed oo 1990-meeyada lagaaray, balse hadda waxaa jirtay dadaalo labada hogaamiye Guleed iyo Gaas meel la’isugu keenay, ra’isul wasaaraha ayaa goob jog ahaa, ana laba jeer ayaan u tagay arrimaha nabbadda magaaladaasi, waana in ay bulshada ku dhaqan oo idil ay ka qayb qaataan nabbadeynta magaalada Gaalkayo.

Ugu danbeyn Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xaalada abaraha ee ku dhuftay qaybo badan oo dalka kamida ah, wuxuuna xusay in Qaramada Midoobay ay diyaar la tahay iney ka jawaabto baahidaas beni’adanimo balse dawlada Soomaaliya iyo maamulada laga donayo in ay diyaariyaan jawi dadkaasi lagu gaari karo.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo sheegay in maanta la soo gabo gabeynayo doorashooyinka Aqalka Hoose

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo sheegay in maanta la soo gabo gabeynayo doorashooyinka Aqalka Hoose

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In