Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Deg Deg Ah:Ra’iisul Wasaare Khayre oo 3 Wasiir xilkii ka qaaday, isla markaasna magacaabay 3 Wasiir cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
DAAWO:- Wareysi Gaar Ah Oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 04 January 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:

 

1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah

2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha

3. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;

Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;

Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:

Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda

Qodobka 3aad;

Magacaabiddani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
Previous Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka+sawirro

Next Post

DAAWO :-Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Oo Shaaciyey Xil ka qaadista 3 Wasiir iyo magacaabista Wasiirrada cusub.

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Baaritaanno Kadib Ka Hadashay Weerarkii Hoyga Senetor Cabdi Qeydiid “Dhageyso”

DAAWO :-Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Oo Shaaciyey Xil ka qaadista 3 Wasiir iyo magacaabista Wasiirrada cusub.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
0

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

Safiirka Soomaaliya ee Jarmalka iyo Poland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Madaxweynaha Hungary

February 18, 2026
0

Budapest, Hungary – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalalka Jarmalka iyo Poland, Mudane Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadan), ayaa si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In