Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeed laga soo saaray kulan saddex maalmood socday oo lagu qabtay Villa Soomaaliya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
War-murtiyeed laga soo saaray kulan saddex maalmood socday oo lagu qabtay Villa Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WAR-MURTIYEED

Daahfurka Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashada Sanadka 2016

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Muqdisho 19-21-September 2015. Kulankaas oo ay isagu yimaadeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar C. C. Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmuudg Mudane C/kariim Xuseen Guuleed.

Madaxda oo ka ambaqaadaysa Qorshe howlleedkii shirkii Wadatashiga Heerka saree e (HPLF) ee ka dhacay Muqdisho bishii Luulyo 2015 ee ay madaxdu isla oggolaadeen in ay daahfuraan Madasha Wadatashiga Qaran. Madashaas oo kulankeeda ugu horreeya uu dhici doono 14-ka bisha Octoobar ayaa looga wadahadli doonaa qaabka ugu habboon ee sannadka 2016 dalka looga hirgelin karo doorasho ku dhacda jawi nabad ah oo huffan.

Madaxdu waxay markale isla oggolaadeen sida ay uga go’an tahay meel marinta wadatashi Dimuqraadi ah, Daah-furan, loo dhan yahay, isla markaana ku salaysan Mabaadi’da Hagaysa iyo Qorshe howleedkii la isku raacay Shirkii Wadatashiga Heerka saree e ka dhacay Muqdisho 29-30-Luulyo 2015.

Iyadoo la tixraacayo labadaas qoraal ee kor ku xusan ayay madaxdu isku raaceen in la sameeyo qaab-dhismeedka iyo waajibaad howleedka ee Madasha Wadatashiga Qaran.

Madashu waxay kulminaysaa Madaxda Federaalka, Madaxda Dawlad Gobolleedyada, wakiilo ka socda Baarlamaanka Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Xubno matalaya gobollada aan lahayn dawlad-goboleed iyo xubno matalaya Bulshada Rayidka ah. Sidoo kale waxay madashu yeelan doontaa guddi howleed iyo guddi farsamo oo hoos imaan doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Labada guddi waxay diyaarin doonaan qorshe-tilmaameed ka hor waqtiga shirka, kaasoo tilmaan ka bixin doona habka wadatashiga Qaran u dhaci doono iyo hannaanka loo kala dooran doono qaabka ugu habboon ee doorashada 2016 lagu qaban karo.
Marka uu shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran meelmariyo qorshe-tilmaameedka, ayaa guddi howleedku kulamo wadatashi la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobollada Dalka oo idil bilaha Oktoobar iyo Nofember, 2015-ka.

Waxaa kaloo madaxdu isla garteen in shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran mar kale la qabto bisha Disember 2015-ka, si uu dib u eegis ugu sameeyo wixii ka soo baxay wadatashiyada dadweynaha. Kulankaas waxay Madashu isku raaci doontaa hannaanka ugu habboon ee ka soo baxay kulamadii wadatashiyada ahaa ee dalka doorasha uga dhici karto 2016-ka. Waxaa kaloo madaxdu isla meel-dhigeen in hannaanka doorasho ee la isku raaco ay hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso sharci ku meel-marin doonaan ugu danbeyn bisha Janaayo 2016.

Waxay madaxdu go’aamiyeen in mudnaan gaar ah la siin doono haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan habsami u socodka hawlaha Madasha Wadatashiga. Waxaa kale oo la garawsaday in natiijada ka soo baxda wadatashiga Madasha ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed wada matesha kana turjunta rabitaanka iyo yididiilada shacab ee hannaan doorasho oo loo dhan yahay, daah furan lagana wada qaybgalo.

Furitaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Wakiillo ka socda beesha Caalamka. Madaxda Qaranku waxay ku boorriyeen beesha Caalamka in ay gacan weyn ka gaystaan hawlaha Madasha Wadatashiga Qaran, gaar ahaan wixii farsamo iyo talo-bixin ah.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

                                                                      

Previous Post

Deg Deg: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay banaanka hore ee madaxtooyada “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Next Post
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In