Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-murtiyeed laga soo saaray kulan saddex maalmood socday oo lagu qabtay Villa Soomaaliya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
War-murtiyeed laga soo saaray kulan saddex maalmood socday oo lagu qabtay Villa Soomaaliya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WAR-MURTIYEED

Daahfurka Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorashada Sanadka 2016

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026

Muqdisho 19-21-September 2015. Kulankaas oo ay isagu yimaadeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar C. C. Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Galmuudg Mudane C/kariim Xuseen Guuleed.

Madaxda oo ka ambaqaadaysa Qorshe howlleedkii shirkii Wadatashiga Heerka saree e (HPLF) ee ka dhacay Muqdisho bishii Luulyo 2015 ee ay madaxdu isla oggolaadeen in ay daahfuraan Madasha Wadatashiga Qaran. Madashaas oo kulankeeda ugu horreeya uu dhici doono 14-ka bisha Octoobar ayaa looga wadahadli doonaa qaabka ugu habboon ee sannadka 2016 dalka looga hirgelin karo doorasho ku dhacda jawi nabad ah oo huffan.

Madaxdu waxay markale isla oggolaadeen sida ay uga go’an tahay meel marinta wadatashi Dimuqraadi ah, Daah-furan, loo dhan yahay, isla markaana ku salaysan Mabaadi’da Hagaysa iyo Qorshe howleedkii la isku raacay Shirkii Wadatashiga Heerka saree e ka dhacay Muqdisho 29-30-Luulyo 2015.

Iyadoo la tixraacayo labadaas qoraal ee kor ku xusan ayay madaxdu isku raaceen in la sameeyo qaab-dhismeedka iyo waajibaad howleedka ee Madasha Wadatashiga Qaran.

Madashu waxay kulminaysaa Madaxda Federaalka, Madaxda Dawlad Gobolleedyada, wakiilo ka socda Baarlamaanka Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Xubno matalaya gobollada aan lahayn dawlad-goboleed iyo xubno matalaya Bulshada Rayidka ah. Sidoo kale waxay madashu yeelan doontaa guddi howleed iyo guddi farsamo oo hoos imaan doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Labada guddi waxay diyaarin doonaan qorshe-tilmaameed ka hor waqtiga shirka, kaasoo tilmaan ka bixin doona habka wadatashiga Qaran u dhaci doono iyo hannaanka loo kala dooran doono qaabka ugu habboon ee doorashada 2016 lagu qaban karo.
Marka uu shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran meelmariyo qorshe-tilmaameedka, ayaa guddi howleedku kulamo wadatashi la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobollada Dalka oo idil bilaha Oktoobar iyo Nofember, 2015-ka.

Waxaa kaloo madaxdu isla garteen in shir-weynaha Madasha Wadatashiga Qaran mar kale la qabto bisha Disember 2015-ka, si uu dib u eegis ugu sameeyo wixii ka soo baxay wadatashiyada dadweynaha. Kulankaas waxay Madashu isku raaci doontaa hannaanka ugu habboon ee ka soo baxay kulamadii wadatashiyada ahaa ee dalka doorasha uga dhici karto 2016-ka. Waxaa kaloo madaxdu isla meel-dhigeen in hannaanka doorasho ee la isku raaco ay hay’adaha Federaalka ee ay khuseyso sharci ku meel-marin doonaan ugu danbeyn bisha Janaayo 2016.

Waxay madaxdu go’aamiyeen in mudnaan gaar ah la siin doono haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan habsami u socodka hawlaha Madasha Wadatashiga. Waxaa kale oo la garawsaday in natiijada ka soo baxda wadatashiga Madasha ay noqoto mid dadka Soomaaliyeed wada matesha kana turjunta rabitaanka iyo yididiilada shacab ee hannaan doorasho oo loo dhan yahay, daah furan lagana wada qaybgalo.

Furitaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Wakiillo ka socda beesha Caalamka. Madaxda Qaranku waxay ku boorriyeen beesha Caalamka in ay gacan weyn ka gaystaan hawlaha Madasha Wadatashiga Qaran, gaar ahaan wixii farsamo iyo talo-bixin ah.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed

                                                                      

Previous Post

Deg Deg: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay banaanka hore ee madaxtooyada “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Next Post
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo cambaareeyay qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In